Hargeysa(Geeska)-Maareyihii Hore ee Dekeda Berbera Eng. Cali Cumar Maxamed(Cali Xoorxor)ayaa sheegay inaanu ku biirayn xisbiga Waddani islamarkaana ka tirsanyahay xisbiga KULMIYE.
Cali Xoorxor oo ku sugan dalka Itoobiya oo u waramay shabakada wararka ee Ceelgardinews.com wuxuu yidhi ”Waxan ku suganahay dalka Itoobiya oo aan hawlo ii gaara u joogaa aniga iyo qoyskaygu warkaas la leeyahay Cali Xoorxor baa Xisbiga Waddani ku biirayana Waxba kama Jiraan.
Eng Cali Cali Xoorxor oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yidhi”Anigu waxan katirsanahay Dawlada iyo Xisbigeeda oo aan lasoo shaqeeyay hadana aan la shaqeeyaa markaa qolyaha warkaas qoray waxan leeyahay adeer intaydaan warka baahin horta xogta rasmiga ah raadiya cid ay khusaysana wax ka weydiiya si warkiinu unoqdo mid la hubo.
Maareyihii Hore ee Dekeda Berbera Eng, Cali Xoorxor ayaa kamid ah shakhsiyaadka ugu miisaanka culus Gobolka Saaxil xiligan.