Cabdiqaadir Jirde Oo Sheegay In Somaliland Marayso Halkii Ugu Liidatay, Musuquna Uu Xadhkaha Goostay

0
854

Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha ku meelgaadhka ah ee xisbiga Waddani Xildhibaan Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde, ayaa xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ku tilmaamay mid dalkii rahmaysa oo isku xoqaysa beelaha Somaliland.

Md. Jirde oo shalay hadal ka jeediyay munaasibad uu xisbiga Waddani ku qabtay Burco oo lagu soo dhaweeyay Beesha Cabdale Arab oo ka soo digo rogatay KULMIYE, kuna biirtay Waddani, waxaanu isagoo tilmaamaya faraqa u dhexeeya Waddani iyo KULMIYE uu ku kala sheegay inaan xisbiga Waddani la isu abtirin, balse KULMIYE madaxdiisa lagu xusho qabyaalad, waxaanu isagoo reer Burco la hadlaya uu yidhi  “Sida Burco tahay ayaa idiinku filan, wax abaalgud ah lagama hayo KULMIYE, gobalada kalena haba sheegin, maanta dalkii waa la xaraashayaa, dekedii ayaa la xarashay, eeriboodhadii ayaa la xaraashay, haamihii ayaa la xaraashay, Burcona idinkaa nooga war roon, haddii aynaan farteenaas ku bedelin kulmiye waxba dalka loogu iman maayo waa heshiis la gaadhay oo waxa la ogyahay inaan la soo noqonayn oo cid dambe dooranayn, markaas intii laga sii gaadhsiin karaba waa laga gaadhsiinayaa, mustaqbalka umadeena iyo carruurteena ayaa la rahmayaa, qabyaaladii ayaa la soo noolaynayaa, reerihii ayaa la isku xoqayaa, Somaliland halkii lagaga dhawaaqay waa Burco oo waa adhaxda Somaliland, marka Burco sidaas loogu tuntay maxaa inoo hagaagaya, gobalka Togdheer.” ayuu yidhi Jirde, waxaanu sheegay in xukuumadda KULMIYE aastay geedigii aqoonsi raadiska, “Gooni isu taaga iyo ictiraafkii aynu adduunka ka raadinynay  waa la soo ooday, qolyar oo madoow oo wasaaradda arrimaha dibadda ku yaala ayaa lagu xareeyay, cahdigii Rayaale waxa inoo yimid madaxwenynaashii Afrika ninkii ugu miisaanka badnaa madaxweynihii hore ee Zambia ayaa  ka shaqaynayay ictiraafkeena,, madaxweynihii hore ee Gaana ayaa isna tuurta u riday, ninka Maanta Koonfur Afrika xukuma ayaa isna tuurta u riday, halkii ayaa lagag soo hadhay, maanta meel aynu ku haysano magac iyo maamuus ma jirto, ictiraafkii ayaa dib loo dooni doonaa, waanu raadin doonaa oo halkii ayaa laga sii ambo qaadi doonaa.”

Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde, wuxuu sheegay in musuqmaasuqa uu gaadhay halkii ugu saraysay, waxaanu yidhi “Mucaawino waynu helnaa laakiin mucaawinadaas sida loo maamulo waad aragtaan oo maqashaan, looma sina, gobalada lama simo, kolba ninka wasiirka ah ee halkaas jooga ayaa intaas ishiisu qabanayso ku maamula, waxaanu idiin sheegaynaa musuquna wuu xadhko goostay, idinkoo biyo la’a oo iskuul iyo caafimad laba ayaa safar walba waxa baxa 50 wasiir oo hudheelo gala, waxa wax lala yaabo noqotay Alle caafimaad ha siiyee madaxweynaha oo yara xanuunsaday ayaa Imaaraadka tagay , wasiiradii ayaa ka daba tagay markaasaa la yidhi shirkii golaah wasiirada hudheel imaaraadka ku yaala ayaa lagu qabtay, xaggay adduunka ka dhacdaa, haddii madaxweynuhu baxay, madaxweyne-xigeen ayaa jooga waar xafiiskyadiina ku shaqeeya oo umadiina u shaqeeya.”

Wuxuu hadalkiisa ku soo gunaanaday, “Somaliland maanta waxay maraysaa halkii ugu liidatay, weligeed halkaas may gaadhin sicir bararkii ayaad ka war haysaan oo baankii dhexe ayaan shaqaynayn, waxaanay Somaliland ku badbaadi kartaa fartiina oo aad Waddani ugu codaysaan.”