Waxa laysla qaatay in saamiga gobollada loogu qaybiyo saamigii 1960kii degmooyinka aan kor ku soo sheegnay oo gobollo loo beddeley, isla markaana mid walba kuraastiisii lagu dhufto 2.5 waxaanay noqotay
Gobolka Maroodi-jeex 7×2.5 =17.5
Saaxil 5x 2.5 = 12.5
Awdal 5x 2.5 = 12.5
Togdheer 6x 2.5 = 15
Sanaag 5x 2.5 = 12.5
Sool 5x 2.5 = 12.5
Tiro guud 82.
Halkaa iyada oo taagan ayaa cabashooyin gobollada oo dhan ahi soo baxday taas oo gobol waliba leeyahay waannu badannahay oo noo qaybsami mayso, sidaa darteed ayaa gobollada qaar wax laga gooyey , qaarna wax loogu daray, qaarna sidoodii loo daayey, masalan:
Hargeysa: oo lahayd 17.5 waxa loogu daray 2.5waxanala siiyey 20
Awdal: oo lahayd 12.5 waxa loogu daray 0.5waxana la siiyey 13
Saaxil: oo lahayd 12.5 waxa laga jaray 2.5waxana la siiyey 10
Sanaag: iyo Sool waxa laga tuuray midkiiba 0.5waxana la siiyey 12
Togdheer: waxna looguma darin waxna lagama jarin
Waxan aan ka hadlayaa maaha ku tidhi-kuteen ee wax aan goob joog ka ahaa
Sidaa darteed ayaa waxa saami qayb-sigii noqay oo doorashadii lagu galay sidan:
Gobolka Maroodi-jeex 7×2.5 =17.5+2.5 = 20
Saaxil 5x 2.5 = 12.5 – 2.5 = 10
Awdal 5x 2.5 = 12.5 – 0.5 = 13
Togdheer 6x 2.5 = 15 = 15
Sanaag 5x 2.5 = 12.5 – 0.5 = 12
Sool 5x 2.5 = 12.5 – 0.5 = 12
TIRO GUUD = 82.
DOORASHOOYINKII DALKA KA DHACAY 2002-2012.
Haddii walaaleheenna Awdal ay ka cabanayaan doorashooyinkii dalka ka dhacay ayaannu tiro badan ku codaynnay sidaa darteed waxbaa naga maqane ha nala siiyo oo taasi ay caddaato waxaan u arkaa inay gar noqonayso meel laga maraana aanay jirin, haddii kalese waa aragti kale, taana ila eega.
AFEEF: Doorashooyinkii dalka ka dhacay waxa lagu galay diwaan gelin la’aan marka laga reebo doorashdii 2010-kii waana doorashada la odhan karo haddii doorsho la raad raaaco loo baahan yahay iyadaa ugu dhow, Awdalna waxa ka codeeyey 81,338.sidaa darteed diiwaan gelintaa cid wax iskala hadhay may jirin, gobol walibana wuxuu doonayey inuuTirada ugu badan soo saaro, taasna reer awdal dadka ayay kala mid ahaayeen waa gobolka 65,000-114,000 inta u dhaxaysa marba si looga codaynayey, gobollada kalena waa la mid , waxanse iyaga carrabka ugu adkaynayaa ama tusaaalaha ugu soo qaadanayaa waa gobolka cabashadiisu taaganta tahay ama soo noq-noqoto.
Doorashooyinkiina waa kuwane bal hadda eega: La Soco