Zlatan Ibrahimovic: “Guardiola Waxa Uu Ahaa Tababarihii Ugu Ciyaalsanaa Ee I Soo Mara .”

86
16351

 

Xidiga reer Sweden Zlatan Ibrahimovic ayaa ku tilmaamay tababarihii hore ee Barcelona Pep Guardiola ‘tababarihii ugu ciyaalsanaa ee uu abid la soo shaqeeyay.’ Kooxda reer Catalans ayaa 60 milyan euro ku qarashareysay weeraryahanka reer Sweden markii ay kala soo wareegeen Inter Milan sannadii 2009 iyadoo Samuel Eto’o uu qeyb ka ahaa heshiiskaas, laakiin waxaa durbadiiba halaabay xidhiidhkii kala dhaxeeyay tababare Guardiola.“Lixdii bilood ee ugu horeysay waxa ay aheyd mid aad u fiican, ka dib tababaraha ayaa bedelay nidaamka ciyaareed iyo taatikada, mana aysan noqonin mid aniga igu haboon” ayuu Ibrahimovic u sheegay Sky Sport Italia.“Waxaan aaday xafiiskiisa si aan u la hadlo. Waxaan u sheegay inaan u imid inaan la hadlo.“Waxaa igu yidhi: ‘Waxaan aaminsanahay inaad ciyaartoyda qaar u hureyso kaliya hal ciyaaryahan, Messi.’ Wuxuu igu yidhi: ‘Uma maleynayo inuu sidaas xaalku yahay laakiin waan fahmay fariintaada. Waan xalin doonaa wax dhibaato ah ma lahan. Wax walba anigaa xalinaya’. Waxaan ku idhi OK”.“Ciyaartii ku xigtay waxaan galay kursiga keydka. Waxba ma aan odhan, waan shaqeeyay. Ciyaartii labaad, kursiga keydka mar kale. Ma aanu ila hadlin wax sharaxaad ahna ima siinin. Ciyaartii seddexaad, keydka. Ka Dib tii afaraad ayaa la gaadhay hadana kursiga keydka.“Waxaan ku fekeray inay arin qariib ah jirto. Laga bilaabo waqtigaas wuxuu diiday inuu ila hadlo xitaa inuu dhankeyga soo eego wuu diiday. Marka aan qol ugu galo wuxuu sii baxaa. Ma aanu aheyn qof xun laakiin waa tababarihii ugu ciyaalsanaa ee i soo mara sababtoo ah ninka raga ah waa kan xaliya dhibaatooyinka soo wajaha.”

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here