Yuusuf Gabobe Oo Cambareeyay Go’aanka Ay Shirkadaha Isgaadhsiintu Ku Xanibeen Haatuf

Published on Apr 19 2014 // Warar

Picture6Hargeysa(Geeska)– Guddoomiyaha Wargeys-yada Haatuf iyo Somaliland Times Yuusuf Cabdi Gaboobe ayaa luuqad adag ku cambaareeyey go’aankay ay shirkadaha isgaadhsiinta Somaliland ee Somtel, Telesom iyo African Online ay ku xanibeen website-yada labadaas wargeys ee Soomaaliga iyo af Ingiriisiga ku soo bixi jiray isla markaana ay dhawaan albaabada u laabtay xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo.

Mulkiilaha Haatuf Media Network Yuusuf Cabdi Gaboobe waxa ku dooday inay shirkadaha isgaadhsiinta dalku ay burburiyeen xidhiidhkii mudada dheer ka dhaxeeyey iyaga iyo warbaahinta madaxbanaan ee dalkan, kaas oo xusay inay xukuumadu u adeegsatay xagal-daacinta iyo baabiinta xoriyatul-qawlka, waxaanu sheegay inay dac-wad ka dhan ah shirkadaha isgaadhiinta dalka inay u gudbinayaan maxkamado caalami ah, kaaso tilmaamay inay looyaro iyo sharci-yaqaano caalami ah la soo xidhiidheen mudadii ay xanibnaayeen wabsites-ka labada wargeys, kuwaas oo u sheegay in laga bixin-doono kharashka ku bixi doona dacwada shirkadahaasi.

Yuusuf Cabdi Gaboobe waxa uu sidaasi ku sheegay shirjaraa’id oo uu maanta Jimcihii galinkii danbe ku qabtay gurigiisa magaaladda Hargeysa, isaga oo arrimo door ah iyo dhacdooyinkii u danbeeyey lagu bartilmaameedsanayo hawl-wadeenada iyo xarumaha wargeyska Haatuf, waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Waxaa doonayaa inaan ka hadlo talaabadan u danbaysay ee ay shirkadaha isgaadhsiintu ay ku aqbaleen in la xayiro Website-kii Haatuf iyo kii Somaliland Times oo run ahaantii ah wax aad loola yaabo, waxaanan anigu go’aankaasi ku tilmaami karaa talaabo nacas-nimo ah iyada oo taasi jirto hadana waxaan odhankarnaa  uun waa talaabooyinkii ugu danbeeyey ee ay xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo kula dagaalamaysay xoriyada-saxaafada madaxabanaan. Run ahaantiina arrintan ay sameeyeen shirkadaha isgaadhsiintu maaha mid naga horjoogsanaysa adeegyadii dhinaca wararka ee aanu bulshadda u gudbinaynay, isla markaana anagu imika lama yaabanin xukuumadda oo ceeb u hadhsan oo aanay samaynin oo ay iska dhawraysaa ma jirto laakiin waxaanu la yaabsanahay shirkadaha isgaadhsiinta ee ka aqbalay arrintan iyaga oo aan wax tixgalin ah siinin shacbiga reer Somaliland iyo dadkii macaamilka la ahaa mudada dheer oo ay warbaahintu kow ka tahay”.

Yuusuf Gaboobe isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu intaas raaciyey “Shirkadaha isgaadhsiinta iyo warbaahinta Somaliland xidhiidh soo jireen ah oo wayn ayaa ka dhaxeeyey iyada oo mid walba u ka kale adeeg u qaban-jiray imikana u qabto. Hadii aan waxyar dib ugu noqdo wakhtigii aanu Jamhuuriya joognay oo uu Jamhuuriya ahaa wargeyska kaliya ee madaxbanaan ee dalka ka jiray wakhtigaasi, waxa adkaan jirtay xiligaa in Information la helo maalinkasta si loogu buuxiyo wargeyska ayaa Ilaahay ha u naxariistee Maxamuud Cabdi Shide ayaa waxa uu markii danbe keenay Dhiish saddexdii biloodba mar la bixin jiray $60,000 isla markaana laga soo Download-garayn jiray Informations-ka, dabadeed markii xaqii ku yimid ee uu dhintay Alle ha u naxariistee Maxamuud Cabdi Shide waxa Jamhuuriya ku banaanaatey dhiishkaas Internet-ka ee Information-ka dunida dacaladeeda laga heli jiray, markii danbe run ahaantii waxa jiray oo kaliya xaga isgaadhsiinta oo adeega Mopile-ka oo wakhtigaasna wargeyska Jamhuuriya waxa uu shirkadda Telesom u xayeysiin jiray oo uu u daabaci jiray ogaysiisyada iyo barnaamijyada ay ku horumarinayaan adeegyada ay bixiyaan iyo waxkasta oo ay Telesom doonayso inay bulshadda gaadhsiiso.anigu xiligaas ayaan baxay oo aan u hawl-galay inaanu wargeysku istaagin maadaama oo uu ahaa wargeyska kaliya ee madaxbanaan ee dalka ka jiray wakhtigaasi oo aan SOOYAAL ka tagay, hawsha Suxufi-nimada ka sokow waxaanu hawlgalay sidii uu wargeysku dhaqaale u heli lahaa, isla markaana anaga oo wakhtigaas la daalaa-dhacayna inaanu wargeyska u helno dhaqaale uu ku sii socdo ayaan dhawr jeer ku guulaystay inaanu helno dhaqaale kooban oo uu wargeysku hawshiisa ku sii wadankaro, ayaa ay shirkadda Telesom ay markii ugu horaysay ay samaysay adeega Internet-ka oo ay dalka keentay taas oo aan waxa aan ka xasuusto aanu wakhtigaas xafiiskooda fooqa aanu ka soo Download-garaysan jirnay wararka iyo Information-kasta oo aanu uga baahano, ayaa waxay markii danbe gaadheen heer ay guryihii ku xidhaan, markaa iyada oo uu macaamilkaasi ka dhaxeeyey shirkadaha Isgaadhsiinta iyo warbaahinta Somaliland ayey maanta shirkadahaasi waxay ka doorbideen macaamiishoodii ka door-bideen dhawr qof oo caa’ilada madaxwaynaha ah oo barri ka tagi doona ayaa waxay u soo qor-qoraan ay shuruud la’aan ku aqbalayaan, waana arrin aad loola yaabo oo maaha arrin Haatuf waxyeelaysa laakiin shirkadaha isgaadhsiintu iyagaa wax is-yeelaya”. Guddoomiyaha Haatuf isaga oo hadalkiisa sii wata, isla markaana ka hadlaya go’aanka ay kaga jawaabayaan xayiraadaa sharciga baalmarsan isla markaana dhaawacaysa xoriyatul-qawlka, waxa uu yidhi “Waxaanu ugu baaqaynaa shirkadaha Isgaadhsiinta Somaliland inay khaladka iyo tacadiga ka dhanka ah xoriyatul-qawlka ay ka noqdaan oo ay khaladkooda saxaan, hadii kale waxaanu maxkamadaha dunida u gudbin doonaa dacwado ka dhan ah heer caalami ah, anaga oo taasna waddada loo marayo garanayna oo ay aad u fududahay, waxaana jira tan iyo mudadii ay shirkadaha isgaadhsiintu qaadeen talaabada ay ku Blog garaynayaan website-ka Haatuf inay sharci-yaqaano caalami ahi ay nala soo xidhiidheen, kuwaas oo noo sheegay inay naga caawin doonaan sidii aanu dacwad ugu soo oogi lahayn shirkadaha Isgaadhsiinta Somaliland ee Somtel, Telesom iyo African Online”.

Mulkiilaha Haatuf  Mr Yuusuf Gaboobe ayaa gaashaanka ku dhuftay hadal ka soo baxay wasiirka macdanta iyo tamarta oo sheegay in dhaliilaha wargeyska Haatuf soo bandhigay ee la xidhiidha wasaaradiisa aan  laga siin fursad uu kaga hadlo ama uu isku difaaco, isaga oo Yuusuf Cabdi Gaboobe arrintaasi ka hadlayana, waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Haba yaraatee waxba kama jiraan hadalka wasiirka  waayo mar kasta oo aanu wax ka qoranay wasaarada   waanu la xidhiidhaynay waanan tagaynay wasaarada mar walbana wii diidayey inuu ka hadlo, maqaal kasta oo aanu ka qornayna waxaanu raacinaynay inaanu fursad siinay wasiirka macdanta Xuseen Cabdi Ducaale balse uu nagu diiday, waxa kale oo aan halkan ka sheegayaa haddii aanu anagu khaladka lahayn oo aanu danbiga lahayn waxay ahayd in fursad nala siiyo oo aanu labadayada dhinacba cadaalada ka hor doodaan oo dhinicii khaldan danbiga la saaro taasna lama samayn”.

 

comment closed

Subscribe to our RSS Feed! Follow us on Facebook! Follow us on Twitter! Visit our LinkedIn Profile!