Yuusuf Cabdi Gaboobe Oo BBC-da Uga Waramay Xayiraada La Saaray Haatuf Iyo Godka Uu U Malaynayo In Laga Qaninay

0
519

Picture1Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha wargeysyada Haatuf iyo Somalilandtimes  Yuusuf Cabdi Gaboobe,  oo la hadlaayay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da, ayaa ka waramay wararka ay xukuumaddu dhibsatay ee lagu xidhay wargeyskaas.

Waxa uu Yuusuf Cabdi Gaboobe sheegay in wararka ay baahiyeen ay ka mid ahaayeen musuqmaasuq balaadhan oo ka jira xukuumadda Somaliland.

Ugu horayntii guddoomiyaha wargeyska Haatuf  Yuusuf Cabdi Gaboobe oo la waydiiyay sababta loo xidhay wargeyska waxa uu yidhi “Si fiican uma garanayno ee waxa naloo sheegay aflagaado dad wasiiro ah  iyo kuwo xildhibaano ah, afkaana nalooga sheegay,arintaas ay ka hadlayaan anagu ma garanayno laakiin waxaanu ognahay in waxa laga gubanayaa ay yihiin warar aanu ka qornay arimo musuq maasmuq oo hadheeyay heshiisyada ay xukuumadda Somaliland la gasho shirkadaha shidaalka baadha iyo inan yar oo madaxtooyada jooga  oo meel dawlada uu kaga qoran yahay aanu jirin haddana ku kaca masuuliyado badan oo ay dawladu leedahay.”

Yuusuf Cabdi oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi“Waa arimo aanu baadhitaano ku samaynay oo si xirfadaysan aanu u qornay, tusaale ahaan tan shidaalada waxaanu waraysiyo ka qaadnay dadkii ay qusaynaynsay, wasiirka qudhigiisu muu diidin ee waa uu qirtay mar ay u tageen qolyo saxafiyiin ah oo ka socotay gudiga anshaxa saxaafada in dacwadi ay ku socoto oo shirkad shidaalka hore loo siiyay ruqsad ay soo dacwaysay oo looyaradeedii ay la soo xidhiidheen wasiirka, iyaga oo ku dacweynaya baloog iyaga hore loogu siiyay  oo uu ku wareeiyay shirkad kale, labada shirkadood magacyadooda, dadka leh iyo meelaha ay kala degen yihiin iyo magacyada looyaradooduba wargayska waa ay ku yaaleen.Wiilka madaxweynuhu uu sodaga u yahay oo awoodo faro badan oo ah kuwo dawladeed ku tagri falaaya, dhawaan tuuladiisii isaga oo sagaal wasiir hogaaminaya uu halkaas geeyay oo mashaariic iyo waxaas uu kaga dhawaaqay, kuwaas ayaanu wax ka qornay, waana arinta aad ka looga sii gubtay ee keentay xiyaraada.”

Yuusuf Cabdi  oo la waydiiyay inay sidan oo kale iskugu dhaceen xukuumaddii hore ee Daahir Rayaale Kaahin ayaa yidhi “Waa run oo toddabo sanadood ka hor ayaa xabsiga naloo taxaabay iyada oo la xidhay saddex aan ka mid ahaa oo masuuliyiintii wargeyska ahaa, saddex bilood ayaanu ku jirnay xabsiga Mandheera, imikana waxaanu xusaynay sanad guuradii todabaaad ee markii nala soo daayay, markaas dhibaatooyinku waa ay iska jiraan. Anagu waxaanu nahay wargeys qadiimi ah oo in badan soo jiray, haddii wax nalagu haystona maxkamad caadi ah ayaa nala soo taagi lahaa, oo danbiga ayaa nalagu cadayn lahaa oo kiiska aanu yeelano ayaa nalagu qaadi lahaa; laakiin sidani waa suuq madaw, sharci hagaagsana nalooma adeegsan, meeshiina waa layska xidhay, waa cabudhin cadaan ah oo lala maagan yahay saxaafada , waxaynu ogayn wargeyskii Hubaal ee isagana barigii dhawayd la xayiray, waligeena in wargeys albaabada loo xidho dalka kamay dhicin, xataa barigaas 2007 ee nala xidhay, wargeyska lama xidhin ee waa uu shaqaynaayay, haddase waxa la bartay in xarunta la xidho oo la yidhaahdo muxuuba isku difaaci.”