Yusuf Garaad Oo Loo Magacaabay Safiirka Soomaaliya U Fadhiyi Doona Qaramada Midoobay

0
480

Muqdisho (Geeska) – Dowladda Soomaaliya ayaa madaxii hore ee Laanta Afka Soomaaliga Idaacadda BBC da Yusuf Garaad Cumar u magacowday in uu noqdo Madaxa joogtada ah ee Ergada Soomaaliya ee Xarunta Qarammada Midoobay ee New York.

 Yuusuf Garaad Cumar oo hadda jooga magaalada Muqdisho muddooyinkii u dambeeyeyna ahaa la taliyaha madaxweynaha Soomaaliya ee arrimaha warbaahinta ayaa magacaabistiisan u xaqiijiyey shabakadda Hiiraan Online oo uu Geeska Afrika warkan ka soo xigtay.

Danjire Yusuf Garaad waxa uu beddeli doonaa danjire Dr. Climi Ducaale oo in ka badan 10 sano Soomaaliya safiir uga ahaa Qaramada Midoobay (QM).

Yuusuf Garaad ayaa sannadkii 2012 kii, isu soo Sharraxay jagada Madaxtinimada Soomaaliya, balse wuu ku guul-darreystay. Muddadaas wixii ka dambeeyeyna waxa uu si aad ah ugu dhex jiray ururrada bulshada ee Soomaaliya, iyo haayadaha samafalka oo uu kala shaqeeyey mashaariic iyo la talinno dhinaca warbaahinta ah, isaga oo dhinaca kalana madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud kala talin jiray arrimaha warbaahinta.