Yemen iyo Cali Cabdala Saalax. Diyaariye: Maxamed Xasan Jaamac Q3aad

14
974

 

saalaxDhaqdhaqaaqa Konfureed

 

Mushkilada  koonfurta Yemen markale ayay soo laba kaclaysay 2007, markan waxa ay ka bilaabatay  kooxo hore uga tirsanaa ciidankii qalabka siday ee koonfurta Yemen oo laga fadhiisiyey shaqadii kooxahan oo sameeyey mudaaharaadyo iyo cabashooyin nabad ah laakin markii danbe waxa ku soo biiray dad fara badan oo wax yaalo badan oo kala duwan ka cabanaya oo ay ugu muhiimsantahay takoorida lagu sameeyey dadka reer koonfureedka ah iyo boobka dhulka ee bahsan ee lagula kacay iyo in loola dhaqmay sidii dad la qabsaday  oo aan waxba laga waydiinayn aayaha dalka iyo dadka. 

Dhaqdhaqaaqa reer koonfuredka markii danbe waxa ku soo biiray Sheekh Daariq Al-fadli oo ka mid ah madax-dhaqameedka taariikhiga ah ee Yemen  xididna ay yihiin madaxweyne Cali Cabdale Saalax,  ila markii uu ku soo  biiray Sh. Daariq dhaqdhaqaaqii reer koonfureedku waa sii xoogaystay waxaana uu isu bedelay kacdoon hubaysan  ilaa  xilagaasna waxa dhexmarayey isku dhacyo kala duwan labada dhinac, laakin wax walba waxa ay is bedeleen markii ay bilawday mudaaharaadyada lagaga soo horjeedo madaxweyne Cali Cabdala Saalax  iyadoo xilagaa  dhamaan kooxihii kasoo  horjeeday CALI ay u midoobeen sidii ay isaga u ridi lahaayeen laakin waxaan la malayn Karin hadii Cali meesha ka baxo sida wax noqonayaan iyo kooxahan kala duwan ee cali ridistiisa u midoobay ilaa inta ay sii wada socon karayaan.

FG: – Akhriste, waxa aad ogaata in dhulka dalka Yemen, 65% uu konfur yahay, laakin xaga tirada daka reer koonfureedku yihiin 25-30%.

– Waxa kale oo muhiim ah in aad ogoaato in shidaalka dalka Yemen 80% laga soo saaro deegaanada koonfur gaar ahaan gobolada Xadramawt iyo Shabwa.

Xuuthiyiinta

Xuuthiyiintu waa  koox shiica ah oo ka soo haorjeeda dawlada dalka Yemen kooxdan magacooda rasmiga ah markii hore waxa uu ahaa Shabaab Al-Mu’min waxa ay kooxdani  aasaasantay sanadihii 1997-1998 waxa aaasaasay xuseen badrudiin alxuuuthi waxa kooxdani dagaal dhinaca fikirka ah ay la gashay  salafiyiinta iyo islaaxa  oo ay u arkayeen inay khatarku hayaan gobolka sacda ee shiicadu u badantahay madaxweyne cali cabdale saalaxna gacan ayay ka heleen oo waxa uu u fidiyey tageero dhaqaale iyo xoriyad badan oo  ay hawlahooda ku fushadan laakin sanadii 2004 ayaa is afgaran waa ka dhex qarxay dawlada iyo kooxdan ka dib markay dawladu isku dayday inay xidho wadaadkan 18 june 2004. Laakin taageerayashiisa ayaa  u babac  dhaigay  ciidankii dawlada halkaana waxa ka qarxay dagaal khadhaadh oo socday ilaa 10sep2004 maalintas oo ahayd markii la dilay Xusen badrudiin al-xuuthi laakin waxyaalaha lagu qoslo waxa ka mid ah in weli taagerayaashiisii aaminsanyihiin inuu  nool yahay oo  aanu dhiman taa waxa kasii yaab badan inay muxadarooyinkiisa u aaminsaniyihiin hadal Muqaddas ah oo ka duwan hadalka dadka kale. Aad baanay u buun buuniyaan wadaadkan weli iyaga oo  gaadhsiinaya martabad sare oo  bini’aadamkaba ka saraysa.

Markii la dilay Xuseen dagaalkii wuu hakaday mudo yar laakin wakhti yar ka dib  halkii ayuu kasii bilawday iyadoo ay hogaaminayeen wareegyadii danbe ee dagaalka Xuseen aabihii iyo walaaladii ilaa  hadeerna lix jeer ayay dawladda Yemen iyo Xuuthiyiintu madaxa is dareen iyadoo  marwalbana uu kasii darayey dagaalku aakhirkiina dagaalka ay soo gashay dawlada Sucuudiga oo garabsiinaysa dawlada Yemen kadib markii ay eegan kari wayday dagaalkan xuduudeeda  koonfureed ka soconaya isla markaana xuuthiyiintu ay gacan ka helayeen dawlado iyo ururro ay ka mid yihiin Iran, iyo ururka Xizbulaah ee dalka Lubnaan  iyo kooxo kale oo shiica ah oo wadamada carabta ku sugan, arintan oo ka dhigtay dagalkii  mid wejiyo badan leh.

Kooxda  xuuthiyiintu hadeer iyagaa gacanta ku dhigay gobolka sacda ka dib markii ay kacdoonadu ka bilawdeen dalka Yemen mustaqbalkuna waxa uu noqon Allaa og. La Soccoo..

Comments are closed.