Xusuusta Waraysi Aan 2003 La Yeeshay Maxamed Saleban Tubeec

0
535

Picture5Akhriste, waxaan cadadyada soo socda idiinku soo gudbin doonaa waraysi uu sannadkii 2003, tifatiraha Wargeyska Geeska Afrika Maxamed-Rambo, la yeeshay Alle haw naxariiste fanaankii caanka ahaa ee Maxamed Saleban Tubeec oo toddobaadkan geeriyooday. Bishii September ee sannadkaas ayuu marxuumku soo booqday magaalada Hargeysa, waxaanu waraysigan si qoto dheer ugaga hadlayaa guud ahaan marxaladihii uu soo maray fanka Somalidu iyo gaar ahaan fankiisa iyo weliba sababtii loogu bixiyay boqorka codka. Sidoo kale wuxuu ka waramayaa doonaa heeso uu qaado oo khuseeya qisooyini gaar ah oo dhab ah. Waraysigan waxa 22 September, 2003 lagu daabacay Wargeyska Jamhuuriya oo uu saxafigu wakhtigaas ka tirsanaa.. Haddaba la soco inshaalah cadadaka dambe