Xusuusta Waraysi Aan 2003 La Yeeshay Maxamed Saleban Tubeec

0
808

Picture4Waa qaybtii afraad iyo waraysigii aan 2003 la yeeshay Marxuum Maxamed Saleban Tubeec oo wakhtigaas magaalada Hargeysa ku yimid safar gaaban oo maalmo qaatay. Waxaan su’aalay bal inuu ka xog-waramo qisada heesta Haasawaheeda Malyuun Hibo la siistaa; oo ah hees uu midhaheeda isagu alifay, laxanka iyo codkana isagu leeyahay, lana sheego inay tahay hees salka ku hayso qiso run ah, waxaanu Marxuum Maxamed; uu yidhi, “Qisadaas haddii aan kaaga waramo, waxay ahayd gabadh aan la kulmay oo hufan oo qurux Alle siiyay oo Burco degenayd. Waxa aanu wadanay baabuur ah noocii loo yaqaanay Laan-loober (Land rover), waxaanu ka talaabaynay dooxa Burco oo markaas rogmanayay [daad marayay]. Aniga iyo darawalkii gaadhiga waday waxaanu aragnay gabadh kabaha la baxday oo doonaysa inay dooxa ka talowdo. Labadayadii ayaa is eegnay oo aragnay quruxda gabadha doonaysa inay kabaha la baxdo oo ay dooxa iyo biyaha socda ka dhex talowdo.

Waxaan idhi waar aynu gabadha baabuurka u joojino, waanan u joojinay, iyadoo doonaysa inay dooxa ka talowdo ayaan ku yidhi ‘Bal u kaadi kabahan aad la baxayso[ Marxuumku markii uu sheekadan ka waramayay aad buu u qoslayay], waxaan ku idhi walaal iska waran, ma inaad dooxa ka talowdo ayaad doonaysaa oo aad  kabaha la baxdo, ma dhex maraysid ee soo fuul baabuurkan, way soo fuushay, aniguna dhinacii darawalka ayaan uga durkay [wuxuu baabuurku lahaa shid keliya], sidii aan u sii siqaayay ee aan gabadha uga durkayay ayuu darawalkii geerka iga bedeli kari waayay. Daadkii iyo dooxii markaanu ka talownay ayaan gabadhiisii sheekaysanay oo aan idhi, “Xaggeed degentahay iyo magacaa’, waxay tidhi “Waxaan degenahay daantaa, magacayguna waa Hibo.”

Maxamed Saleban, isagoo sii sharaxaya wixii gabadha kala qabsaday, wuxuu yidhi “Markaasaan idhi goorma ayaa Hibo, lagu arki doonaa.” Sidii aan wax kale uga filayay ayay tidhi waxa la I arki doonaa daadkaas, daadkiisa. Intaan yaabay ayaan idhi, “Dee daadkaas, daadkiisa dooxa Burco uun dul taagnaan maayee, oo su’aashasi waa su’aal adag oo u baahan in dad badan oo ilaaliya loo diro dooxa Burco’e, goormaa lagu arkayaa.” Way ku adkaysatay in la arki doono daadkaas, daadkiisa.

Markii aanu ka tagnay  ayaa markii dambe waxaan gabadhii u sameeyay hees aan anigu sameeyay oo aan laxanka saaranay oo lana yidhaahdo “Haasawaheeda Malyuun Hibo la siistaa.”

Maxamed Saleban Tubeec, waxaan su’aalay mar haddii lagu sharfay boqorka codka fanka Somalida, bal waxa uu fanka u qabtay, waxaanu yidhi, “Fanka, waxaan ka qabtay wax weyn, meelah aaan wax ka qabtay waxa ka mid ahaa , fanaaniintu markay show dhigayaan waxay ku dhigi jireen dad badan, barnaamijka googooska ah waxa lagu dhigi jiray dad badan. Waxa dhacday in anigoo habeeno badan ka heesayay tiyaatarkii Xamar in dadkii jeclaysteen inaan kolba ku soo noqdo masraxa, habeenkii u dambeeyay oo uu barnaamijkii socdo oo aanu nahay fanaaniin badan ayaa markii aan qaaday ilaa siddeed heesood ee aan bax is idhi, dadkii tiyaatarka joogay ayaa kadinka wada istaagay, waxaanay yidhaahdeen ku noqo masraxa oo noo hees, waan noqday oo laba heesood oo dambe ayaan qaaday. Markii dambe ayaan idhi fanaaniin ayaa barnaamijka igula jirtee iyaga ayaa idiin heesaya ee haddii aad jeceshihiin inaan mar walba idiin heeso, keligay haddaan idiin heeso ka warama, markaas ayay qayliyeen oo ay yidhaahdeen Haaaaa. Waxaan arkay in 100% ay dadku kalsooni igu qabaan inaan u heeso keligay. Aniga iyo dhawr qof ii tuuma ayaa dadkii u tumay, laba habeen ayaan tumay si fiican ayaana loo galay. Taasi waxay keentay in fanaaniintii oo dhami sidaas sameeyaan oo ay barnaamijkii labaatanka qof lagu dhigi jiray dhawr qof dhigaan, taasina waa guul weyn oo fanku gaadhay. Waxa kale oo wax qabadkaygii ka mid ahaa heesaha qaraamiga oo aan aad u nooleeyay oo dadka qaarkii yidhaahdaan hees qaraami ah oo Maxamed Saleban qaado lagama daba qaadi karo. Aniga iyo raggii iga horeeyayba guulo waaweyn ayaanu fanka u soo hoynay.”

Su’aalaha kale ee aan weydiiyay waxa ka mid ahaa bal inuu garan karo tirada heesihiisa, waxaanu si kooban u yidhi, “Ma garanayo anigu ee adigu ma ii sheegi kartaa.”…..

Dhammaad.