Xusuusta Waraysi Aan 2003 La Yeeshay Maxamed Saleban Tubeec

0
615

ramMarxuum Tubeec, waxaan su’aalay inuu xasuusan karo heesaha uu ku luuqaynayay habeenkaas uu safiirkii Suudaan ee Xamar fadhiyay masraxa ugu soo fuulay, oo uu kaga hadlay cadadkeenii hore, waxaanu yidhi, “Heesaha aan habeenkaas sida ba’an ugu luuqaynayay waxa ka mid ahaa wakhti, ma waxaad I soo jiri markaan iilka jiifsado, Ubax iyo kuwo kale.”

Alle haw naxariiste Marxuum Maxamed Saleban Tubeec, waxa ay dad badani sheegaan inay adagtahay in laga daba qaado hees uu ku luuqeeyay, marka dhinacyo badan laga eego, waxaan haddaba weydiiyay bal sida uu u arkayay codkiisa dahabiga ah iyo in haddii ay dadka qaar isku dayaan codkiisa ay keeni karaan iyo weliba qaabka ay heesihiisu uga duwanyihiin heesaha fanaaniinta Somalida ah ee kale, waxaanu ydihi, “Heesahayga waxaad moodaa inaan ka baxayo laynkii Somalidu ay wax u samayn jireen oo aan meel kale u yara leexday. Waxa la yidhaahdaa codka Maxamed Saleban wuxuu u eegyahay codka Suudaanta, laakiin anigu ma soo xado codkooda ee codkooda qaar ka fiican ayaan samaystaa. Markaan heesayo Suudaanta waxay ula mid tahay inay tumayaan heesahaooda. Heesahahaygu way ka yara adagyihiin heesaha kale oo haddii uu qof is yidhaahdo codka Maxamed Saleban doon, horta qofka codkiisa waa la dooni karaa, laakiin ma filayo in qofna codkayga sidiisa u keeni karo. Sababtoo ah, waxa jiray heeso markaan samaynayay ee aan qaadayay ay farxadii igu jirtay iyo jawigii ii muuqday, haddaanu ii muuqannin oo aanu jirin aanan qaadi kareen.”

 Maxamed Saleban Tubeec, waxaan su’aalay wakhtigaas, bal dhanka ay heesihiisu u badanyihiin, waxaanu yidhi, “Anigu waxaan ahaa sidii nin mushkiladi ku furantahay sida heesaha ay ka mid yihiin; hadba yaan hinqanayaa, ma waxaad I soo jiri markaan iilka jiifsado, dhabanka iyo gacmuhu maysku kay dhageen iyo kuwo caashaq ah, waanay jireen heeso caashaq ah oo aniga I saameeyay.”…La soco cadadka Arbacada beri qisada heesta caanka ah ee haasawaheedaa Malyuun Hibo la siistaa oo uu Maxamed ka sameeyay qiso dhab ah oo uu kula kulmay magaalada Burco ee xarunta gobalka Togdheer.