Xusuus Qorka Danjire Xuseen Cali Ducaale (Cawil)

Published on Jun 02 2016 // Warar

ddddMaxkamaddii noo haysatay Inqilaabkii naga fashilmay 1961-kii waxay na sii daysay 1963-kii markii aanu xidhnayn ku dhawaad laba sanno. Sharciyan waxaanu weli ahayn saraakiil ka tirsan ciidanka. Hase ahaatee Taliyihii Xoogga Dalka Soomaaliyeed Jeneraal Daa’uud Cabdalle Xirsi ayaa dawladda ku wargaliyey in aanu aqbali doonin in aanu ku soo noqono shaqadii ciidanka. Iyada oo aan arrinkii weli xal laga gaadhin ayuu qarxay dagaalkii Soomaaliya iyo Itoobiya dhex maray horraantii 1964-kii. Kadibna waxa loo baahday saraakiishayadii tabobarka Ingiriiska qabtay ee inqilaabka ka qayb-qaadatay. Wuxu Jeneraal Daa’uud oggolaaday in aanu ka qayb galno dagaalka, ciidankana ka mid ahaano inta dagaalku socdo oo kali ah. Markii uu Cabdirisaaq Xaaji Xuseen Ra’iisal-Wasaaraha noqday bishii Juun 1964, wuxu go’aamiyey in nalagu kala qoro wasaaradaha dawladda. Aniga waxa la igu qoray Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Waxaan la kulmay Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Daahir Cismaan Sharmaarke oo ay ilma’adeer ahaayeen Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo ahaa Ra’iisal-Wasaarihii uu Cabdirisaaq Xaaji Xuseen xilka kala wareegay. Wuxuu ii geeyey Wasiirkii Arrimaha Gudaha Cabdulqaadir Soobe. Wasiir Soobe wuxuu wax ku soo bartay dalka Masar. Wuxu ahaa qof aad isugu kalsoon oo aan cidna u habran. Wuxuu ka soo jeeday beesha Digil-Raxanweyn. Si fiican ayuu ii soo dhoweeyey isagoo igu yidhi:

“Soo dhowow. Isku mabda’ ayeynu nahay. Haddii aanu nahay beesha Digi-Raxanweyn, waqtigii xornimada Soomaaliya qaadatay 1960-kii beeshaydu waxay aaminsanayd in aanu gooni isaga taagno Soomaalida kale ee Reer Koonfureed, maamulkayaguna gaar noo noqdo. Waxaanu lahayn xisbi la odhan jirey Xisbiga Digil Midhifle ee Soomaaliyeed (H.D.M.S). Dawladdii markaas jirtay oo uu madax ka ahaa Ra’iisal-Wasaare Cabdillaahi Ciise ayaa aniga iyo madax kale oo xisbiga ka tirsan xabsiga nagu gurtay. Waxay nagu eedeeyeen in aanu ka dambaynay dilkii safiirkii dalka Masar u fadhiyey magaalada Muqdisho Kamaaludiin Saalax. Wax dembi ah waa nalagu waayey aan ahayn in ninka dilay safiirka oo la odhan jirey Wiilo uu ka soo jeeday beesha Raxanweyn. Muddo ka bacdi ayaa xabsiga nalaga sii daayey. Sababta ugu weyn ee uu ninkaasi Raxanweyn u dilay safiirka Masar waxay ahayd iyada oo safiirku ka soo horjeestay in beesha Digil-Raxanweyn yeelato maamul u gaar ah, halka Talyaaniguna arrintaas soo dhoweynayey.”

Waxa la ii magacaabay Guddoomiyaha Degmada Ceel-Buur. Waa degmo ku taal gobolka Mudug ee ay Gaalkacayo u tahay magaalo-madaxda. Ceel-Buur waxay ku caan-baxday digirta oo aad loogu beero, dhoobada (white lime) laga sameeyo dab-qaadyada ama burjukooyinka iyo “pipe-ka” dalalka Yurub ay buuriga ku cabbaan. Saddex beelood ayaa deggan degmadan oo kala ah Duduble, Murursade iyo Cayr.

Waqtiga roobabka biyo ayaa fadhiista kalana xidha suuqa iyo xafiisyada dawladda. Waxa la iiga sheekeeyey in wiil yari inta uu foostooyin isku xidhay uu dadka u kala gudbin jiray suuqa iyo xafiisyada dawladda. Dadka Ceel-Buur ku nooli waxay wiilkaas u bixiyeen “Doonyaale.” Wuxu markii dambe noqday sarkaal sare oo ka tirsan milatariga Soomaalida. Kornayl Ibraahim Rooble “Doonyaale” waxanu is baraney maalintii iigu horraysay imaatinka Muqdisho oo ahayd saddex bilood ka hor markii aanu ku tallaabsanay inqilaabkii dhicisoobay. Wuxuu igu soo dhoweeyey maddaarka Muqdisho. Wuxuu i dejiyey gurigiisa oo ku yaallay meeshii la odhan jirey “Secondo Lido” ee ku dhowayd dekaddii hore ee Muqdisho. Ibraahim Doonyale wuxu ahaa sarkaal aad u qiimo badan oo aan xabsiga ka bixin muddadii uu Siyad Barre dalka ka talinayey.

Galabtii aan gaadhay Ceel-Buur waxa fiidnimadii i soo booqday suldaanka beesha Duduble, Suldaan Faarax Foodey iyo Caaqilka Guud ee Duduble, Cali Jimcaale “Madoobe.” Waxay warbixin buuxda iga siiyeen degmada, taariikhdeeda iyo nolosha ay ku sugan yihiin ummadda ku nool degmadu. Xidhiidh sokeeye ayaan la yeeshay Suldaanka iyo Caaqil Cali Jimcaale. Waxa kale oo aanu isbaranay cuqaasha kale ee beesha Duduble sida Faarax Cabdi oo caaqil u ahaa jilibka Maqalsame iyo Geeddi Farayare oo caaqil u ahaa jilibka Habar Awradeen. Caaqil Cali Jimcaale wuxuu caaqil u ahaa jilibka Maxamed Camal ee ugu badan beesha Duduble.

Isla habeenkaasi ayuu suldaanku i weydiiyey “Igaarkay, ma isaaq baad tahay?” Haa ayaan ku idhi. Wuxuu iigu jawaabey “Isaaq waan jeclahay.” Waxaan weydiiyey halka uu Isaaq ku bartay. Wuxuu iigu jawaabay: “Soo Ina Igarre Isaaq ma ahayn; ninkii tobanka kun (10,000) ee qori noo keenay ee nagu yidhi Boqor Keenadiid xukunkiisa iskaga dul qaada.”

Qisaddan cajiibka ah oo aanan hore u maqaln ayuu iiga sheekeeyey. Wuxuu yidhi:

“Nin Ina Igarre la yidhaahdo ayaa noo yimid. Markab ayaa badda u dhignaa. Wuxuu watay askar Soomaali ah iyo askar kale oo Hindi ah, cumaamadona madaxa ku sita (Singha singh-yaasha). Wuxuu la shiray salaadiintii iyo odayaashii Hawiye. Wuxuu noo sheegay in uu noo keenay 10,000 kun oo qori oo aanu iskaga dul-qaadno xukunka Boqor Keenadiid ee xaruntiisu ahayd magaalada Hobyo. Waa markii iigu horreysey ee aan arko qoryo cusub oo xaydhii marsan tahay iyo sanaadiiq fara badan oo rasaasi ka buuxdo. Sagaal jir ayaan markaa ahaa. Aabahay ayaa suldaanka beesha ahaa. Goob-joog ayaan kulankaasi ka ahaa, anigoo had iyo jeer aabahay la socon jiray si aan wax uga barto. Salaadiintii iyo odayaashii waxay Ina Igarre ku yidhaahdeen “toddoba maalmood na sii aanu ku soo arrinsano.” Wuu naga aqbalay. Waxaanu go’aansanay in aanu qoryaha qaadano oo dagaal ku qaadno Boqor Keenadiid. Sidii ballantu ahayd toddoba maalmood kadib ayuu nagu soo noqday Ina Igarre. Waxaanu u sheegnay in aanu diyaar u nahay in Boqor Keenadiid aanu dagaal ku qaadno. Qoryihii iyo rasaastii ayaa naloo qaybiyey. 
Nagama maqnayn baqdin iyo walaac aanu ka qabno la-dagaallanka Keenadiid. Wuxuu lahaa ciidan tiro badan, aadna wuu noo dhibay. Wuxuu Ina Igarre u ballan-qaaday salaadiintii iyo odayaashii Hawiye in haddii ciidanka Keenadiid ka itaal roonaado ay ciidanka uu wataa gacan siin doonaan. Ballan-qaadkaasi aad ayuu noo dhiiri-geliyey, baqdintii iyo walaacii aanu qabnay ayuu naga saaray.

Laba shardi ayuu Ina Igarre nagu xidhay intaanaan dagaalka bilaabin; kuwaas oo ahaa:

1. Inaan la taaban karin Suldaanka iyo qoyskiisii, gacantana loo soo geliyo iyagoo dhammaan bed qaba.

2. Labada boqol ee khusuusiga ahi waa dad gob ah, waa in aad gaadhsiisaan deegaannadii ay ka yimaadeen iyaga oo aan wax dhibaato ah loo geysan.

Labadii shardiba waanu ka aqbalnay Ina Igarre. Dagaalku toban maalmood ayuu socday. Maalin tobnaadkii ayey Boqorkii iyo ciidankiisii is dhiibeen. Annaga oo wadna ayaanu Boqorkii iyo qoyskiisii gacanta u soo gelinay. Khusuusigiina ciidan ayaanu ku darnay gaadhsiiya deegaannadoodii, sidii uu ballanku ahaa. Ina Igarre wuxuu amar ku siiyey askartii la socotay in laba taanbuug loo dhiso Boqorka iyo qoyskiisa. Laba maalmood kadib ayuu Ina Igarre boqorkii markabkii uu watay ku qaatay. Intaanu ambabixin ayuu kulankii ugu dambeeyey la yeeshay salaadiintii iyo odayaashii Hawiye. Wuxuu kula dardaarmay in aanay wax aargoosi ku kicin; isagoo noo sheegay in ciidda aargoosataa ay aakhirka guul-darro ka dhaxasho.”

Ina Igarre iyo ciidankii uu watay waxay Boqorkii geeyeen Jasiiradda Sychelles, halkaas oo uu ku xabisnaa muddo toban sanno ah. Kadibna Ingiriiska ayaa Boqorkii geeyey magaalada Asmara, wuxuuna ku wareejiyey dawladdii Talyaaniga ee Ereteriya xukumaysay. Sannad kadib ayuu Talyaanigu Boqorkii keenay magaalada Muqdisho, halkaas oo uu ku geeriyooday.
Markii aan danjiraha ka ahaa Nayroobi ayaan xasuustay qisadii uu iiga sheekeeyey Suldaan Faarax Foodey ee ku saabsanayd Ina Igarre iyo Boqor Keenadiid. Waxaan galay maktabadda la yidhaa “Mac-Millan Library” ee ku taalla Nayroobi. Waxa halkaas ku keydsan wax alle wixii hawlgal ahaa ee uu Ingriisku ka fuliyey dalalkii uu gumeysan jirey ee Afrikada Bari, sida Somaliland, Kenya, Tanzania iyo Uganda.

Tallaabadaas Ina Igarre ka qaaday Boqor Keenadiid, sidan ayey ugu qornayd kaydka:

“Hawl-galkaas magaciisu wuxuu ahaaa “Twilight”. Safaaradda Ingriisku ku leeyahay Berlin, magaalo-madaxda Jarmalka, ayaa ogaatay in ay salaadiinta iyo odayaasha Hawiye ee ku sugan magaalada Hobyo ka codsadeen dawladda Jarmalka in ay soo degto Hobyo, heshiis ganacsina la gasho. Wuxuu Jarmalku markaas ka talinayey dalka Tanganyika ee haddana la yidhaahdo Tanzania. Ingriisku diyaar umuu ahayn in uu Jarmalku soo dego xeeb kale oo Afrikada Bari ku taalla. Talyaanigu xilligaasi wuxuu isna ka talinayey magaalada Boosaaso. Wasaaraddii Arrimaha Dibedda ee Ingriiska ayaa amartay safiirkoodii u fadhiyey Rome, Lord Rennell Rodd, in uu dawladda Talyaaniga hor dhigo qorshe ay soo dejiyeen Ingriisku kana codsado in ay ka qayb-qaataan. Lord Rennell Rodd waa safiirkii Boqor Menelik la saxeexday heshiiskii la magac-baxay “Anglo-Ethiopian Treaty” ee 1897-kii ay dawladda Ingriisku ku wareejisay Boqor Menelik dhulkii Soomaaliyeed ee la odhan jiray “Hawd and Reserve Area.” Warbixinta iyo qorshaha dawladda Ingriiska oo isku lammaan waxay leedahay:

Ninkan Keenadiid ee budhcad-badeedka ah, ee markiibteenii nafta u keenay, kana fallaagoobay ina’adeerkii oo ah Boqorka Cismaan Maxamuud, aynu si ay maraakiibtu uga nabad gasho dejino magaalada Hobyo, meeshana ka saarno in uu Jarmalku soo dego Hobyo. Waa in aynu Keenadiid qalcad uga dhisnaa Hobyo; ciidana waxaan uga keenaynaa Jasiiradda Zanzibar, kuwaas oo khibrad u leh madaafiicda la saari doono qalcadda dusheeda. Waxaanu Keenadiid u hubayn doonaa ilaa iyo saddex boqol oo askari oo uu ku hawl galo. Wuxuu Ingriisku ka codsaday in uu Talyaanigu kharashka wax ka bixiyo; inta qalcada loo dhisayo Keenadiidna uu xeebta Hobyo soo joojiyo markab dagaal oo ilaaliya Hobyo. 

Talyaanigu wuu aqbalay codsigaas Ingriiska. Wuxuu keenay Hobyo markab dagaal oo la odhan jirey “Voltorno”. Sidaasi ayey Ingriiska iyo Talyaanigu Kenadiid ku soo dejiyeen magaalada Hobyo.

Xilligii uu socday dagaalkii Daraawishta ee uu hoggaaminayey Sayid Maxamed Cabdulle Xasan, ayaa wax weyni iska beddeleen xidhiidhkii uu dhexeeyey Keenadiid iyo Ingriiska. Keenadiid iyo Sayid Maxamed Cabdulle Xasan ayaa kala guursadey. Sida warbixintu sheegeyso Ina Igarre ayaa Ingriiska ku qanciyey in uu Keenadiid iska illaaway abaalkii ay Ingriisku u galeen, maantana uu cadow ku yahay Ingriiska, hubka ay daraawiishtu ku dagaallamaysana laga soo dejiyo dekadda Hobyo, iyaga oo ay Kenadiid iyo Sayid Maxamed Cabdulle Xasan isu seedi yihiin. Ingriisku wuu ku qancay soo-jeedinta Ina Igarre. Markab dagaal ayaa la soo siiyey iyo askar Soomaali iyo Hindi isugu jirta, qasdigooduna yahay in ay soo qabtaan Keenadiid, geeyaana xabsi ku yaalla jasiiradda Sychelles. Sidaasi ayey u dhacday qabashadii Kenadiid.”

Markii aan laba toddobaad ahaa Guddoomiyaha Ceel-Buur waxaan Gaalkacayo ku booqday oo aanu is baranay Xuseen Maxamuud “Koofiyad-Cadde” oo xilligaa ahaa Guddoomiyaha Gobolka Mudug, mar dambena noqday guddoomiyaha shariikadda Somali Airlines iyo safiirka Somaliya u fadhiya dalka Jabuuti. Si fiican ayuu ii soo dhoweeyey; war-bixin mug lehna iga siiyey dareemada kala duwan ee ka aloosan beelaha wada dega gobolka Mudug.

Ceel-Buur waxaan iyagana xidhiidh sokeeye kula yeeshay qoyska Reer Faracadde oo ka soo jeeda saldanadda beesha Murursade oo ay ka mid ahaayeen Cisman Shaacuur Ugaas Faracadde iyo Yuusuf Ugaas Faracadde oo ahaa Xoghayaha Dawladda Hoose ee Ceel-Buur. Waxa kale oo xidhiidh fiicani na dhex maray caaqil caqli badan oo inta badan ku sugnaan jiray tuulada Dirri, Caaqil Xaaji Xasan Mahadelle. Wuxu caaqil u ahaa jilibka Reer Maxamed ee Murursade. Waxaan iyagana xidhiidh fiican la yeeshay ganacsatada ay ka mid ahaayeen Weheliye Macallin iyo Cali Ciid oo labaduba ka soo jeeday beesha Murursade. Dhinaca beesha Cayr, wuxuu xidhiidh sokeeye na dhex maray Caaqil Maxamed Jimcaale (Qooryare) iyo Caaqil Cabdi Diini. Wuxuu kaloo xidhiidh saaxiibtinimo na dhex martey ganacsade Nuur Ciiriish oo ii noqday La-taliyehaygii gaarka ah.

Galab kasta waxaan tegi jiray makhaayad uu lahaa ganacsade Cali Ciid halkaas oo aan kula kulmi jiray dad fara badan oo wax-garad ah. Maalinta Jimcaha waxaan booqan jiray xarunta Sheekh Maxamed Faarax. Waxa xarunta Sheekha ku noolaa xer tiradeedu gaadhayso shan boqol oo qof. Waxa ka dhisnaa guryo qurux badan oo hortooda ubax lagu beeray. Waxay ahayd xarun aad u nidaamsan. Sheekha ayaanu wada qadayn jirnay, aadna u sheekaysan jirnay. Wuxuu ahaa Sheekh caalim ah oo aan ka helay talooyin waxtar ii noqday. Abbaaro maqribka ayaan ka iman jiray xarunta Sheekha.

Waxyaalaha aan aad u xasuusto muddadii aan joogay Ceel-Buur waxa ka mid ah subax aniga oo xafiiska fadhiya ayaan maqlay Suldaan Faarax Foodey oo dibedda ka qaylinaya. Xafiiska ayuu iigu soo galay isaga oo uu weheliyo Caaqil Cali Jimcaale. Waxaan Suldaanka weydiiyey arrintan ka qaylisiisay. Wuxuu iigu jawaabay in beesha Maxamed Camal ka dhego-adaygtay in ay bixiso mag laga sugayey. Wuxuu kaloo iga codsaday in ciidan lagu saaro oo boqol halaad laga soo qabto beesha Maxamed Camal.

Markii uu suldaankii iga baxay ayaan amar ku siiyey taliyihii boliiska degmada Maxamed “Hunguufe” in uu berrito ciidan ku saaro beesha Maxamed Camal, kana soo qabto boqol halaad. Warkii ayaa gaadhay Suldaankii. 10.00-kii habeennimo ayey ilaalladii gurigaygu ii sheegeen in ay i rabaan suldaankii iyo Caaqil Cali Jimcaale. Markii ay ii soo galeen ayuu suldaankii i weydiiyey “Igaarkay, ma ciidan ayaad ku saaraysaa Maxamed Camal?” Waxaan ugu jawaabay “Suldaan sowdigii saaka iga codsaday in boqol halaad laga soo qabto beesha Maxamed Camal.” Wuxuu igu yidhi:

“Igaarkey ciidanka jooji. Waxaan doonayey in ay Maxamed Camal maqlaan suldaankii oo cadhaysan ayaa ciidan ka dalbanayey guddoomiyaha si boqol halaad looga soo qabto. Waxaan beesha Duduble suldaan ugu ahay in aan usha ku waabiyo balse aanan ku dhufan. Haddii aan ku dhufto, oo aan dhiig ka keeno, suldaannimadii dhimatay. Ciidankani rag qoryo sita ayuu toogan. Dhallinyaro ayaa ku dagaalami doonta bedbaadinta geela, qaar baana ku dhiman doona. Waxay beeshu isweydiin yaa ciidankan idiin dalbaday. Jawaabtu waxay noqonaysaa “Suldaanka ayaa idiin dalbaday.” Halkaas ayey ku nuqsaamaysaa saldanaddaydii. Igaarkay jooji ciidanka. Marka uu warku gaadho in aan ciidan kaa dalbaday, iyaga ayaa keeni magta.”

Isla habeennimadii waxan la xidhiidhiyey Taliyihii Boliiska Degmada, waxanan ku amray in uu joojiyo ciidankii uu ku saari lahaa beesha Maxamed Camal. Waxa dhacday sidii uu suldaanku sheegayey, beesha Maxamed Camal magtii laga rabay oo dhammaystiran ayey keeneen.

Waxaa kale oo aan xasuustaa mar Caaqil Cali Jimcaale i weydiiyey in aan xaas leeyahay. Waxaan u sheegay in aanan weli guursan. Wuxuu igu yidhi “Igaarkay, marka aad guursato yaan xanta gurigaaga lagala fogaan.” Waan fahmi waayey waxa uu caaqilku u jeedo. Waxaan ka codsaday in uu ii macneeyo. Wuxuu igu yidhi:

“Waxan ahay caaqil beesha Duduble ka soo jeeda. Haddii aan guursado gabadh ka soo jeedda beesha Murursade, oo ay Murursade dhibaato na dhex marto, odayaasha Duduble bannaanka guriga ayey istaagayaan iyaga oo iga codsanaya in aan guri kale u raaco. Sababta oo ah odayaashu kama hadli karaan arrin Murursade ku saabsan iyada oo xaaska oo Murursade ahi shaaha noo dhigayso. Guriga xanta lala tago ninka iska leh ayaa beesha taladeeda la wareegaya.”

Taladaas Caaqil Cali Jimcaale i siiyey waxay i hor timid labaatan sanno kadib markaas oo ay socdeen dagaalladii u dhexeeyey dawladdii Siyaad Barre iyo jabhaddii SNM. Waxaan xasuustaa in xanta iyo iswaraysiga lagala fogaan jiray guryaha ay leeyihiin rag u dhashay beesha SNM laakiin xaasaskoodu ka soo jeedaan beelo kale.

Xilkaas aan ka qabtay degmada Ceel-Buur wuxu fursad ii siiyey in aan wax ka barto xeerarka beelaha kala duwan iyo habdhaqanka madax-dhaqameedyadooda. Aqoon iga maqnayd ayaan korodhsaday. Waxaan degmada Ceel-Buur ku bartay madax-dhaqameedyo caqli badan, deggan, dul-qaad badan, kuna tilmaaman xaq-soornimo.

Waxa ii soo baxday in odayaashaas iyo kuwo la midka ah ee ka tirsan beelaha Soomaaliyeed, meel kasta ha ku noolaadeene, ay ahaayeen maskaxdii ummadda Soomaaliyeed daadihinaysay kalana bedbaadinaysay muddo ku siman 900 oo sanno oo ah wakhtigii ay soo if-baxday qowmiyadda Soomaalidu; iskuna fidisay dhulka ballaadhan ee ay maanta ku nool yihiin.
Sababta ugu weyn ee dagaal-oogeyaal uga dillaaceen magaalada Muqdisho markii dawladdii Maxamed Siyaad Barre burburtay waxay ahayd iyada oo odayaashii iyo madax-dhaqameedyadii cuslaa meesha ka baxeen, intoodii badnaydna geeriyoodeen, kaalintoodiina ay buuxiyeen dagaal-oogeyaal iyo rag kale oo aan ehel u ahayn beelaha ay ka soo jeedaan.

 

comment closed

Subscribe to our RSS Feed! Follow us on Facebook! Follow us on Twitter! Visit our LinkedIn Profile!