Xuska iyo Xusuusta Faarax Oomaar: W/Q Mustafe Maxamed Khayre

Published on Oct 17 2013 // Maqaalo

Maanta oo kale, 17 sanno ka hor, waxa dib loo yagleelay dugsigii sare ee u horeeyey ee ay Somaliland yeelato.

Waxay ahayd Arbaca, 16kii October 1996. Subaxnimo hore, goor dhulku qabow yahay cirkana ceeryaani ku dedan tahay, ayaanu ku soo qulqulnay Faarax Omaar oo ku yaalla meel aan ka durugsanayn xarunta Wasaaradda Waxbarashada annagoo fulinayna ogaysiis laga sii daayey Raadyow Hargeysa oo odhanayey “dhammaan ardaydii ka qalinjabisay dugsiyada dhexe ee imtixaankiina gudubtay waxa lagu wargalinayaa in ay Arbacada 8.00da subaxnimo yimaadaan Dugsigii Sare ee Faarax Omaar”.

Barxadda hore ee Dugsiga ayaanu isa soo tubnay annagoo ka koobnayn ku dhawaad 160 arday oo ka soo kala baxay dugsiyada dhexe ee 31ka May (Dhallinta), Sheekh Bashiir, Biyo-dhacay (Sheekh Cali Ibraahim) iyo Axmed-Guray (Quule Aadan). Niyadda aanu haynay waxad moodaysay in jannadii naloogu ballan qaaday.

Waxa halkaas nagu sugayey maamulihii koowaad ee Faarax Oomaar-ka cusub, Cali Cabdi Jiciir, macallin Cabdiqaadir Afrika iyo guddoomiyihii waxbarashada ee Gobolka Hargeysa (Maroodijeex) oo aan u badinayo in uu ahaa Xasan-Qaxar.  Albaab bir ah, garaa’id dhaadheer leh, oo ay oodi ku tuulan tahay meel walbana silig kaga maran yahay ayay naga fureen waxayna yidhaahdeen “soo dhawaada” iyagoo dhoola cadaynaya. Waxay noo raaciyeen in aanu marka hore soo daawano muuqaallada dugsiga kadibna ay noo sheegi doonaan  farriimo muhiim ah.

Run ahaantii waxa dhismaha dugsiga ka muuqday dayac ba’an iyo baylah aan xad lahayn taas oo uu kala sinaa dhismeyaashii kale ee ku burburay dagaalladii dalka aafeeyey. Inkastoo aan saqafka sare laga goosan, haddana daaqadaha iyo albaabaduba way jajabnaayeen; kartoono, baco iyo maryo ayaa lagu gufeeyey. Istambarka iyo nuuradda gidaarradu way duugoobeen waxana ka sii muuqday weedho nagu beerayey cadho oo ay dawladdii Siyaad Barre kaga tagtay, sida XHKS oo u taagnayd Xisbiga Hantiwadaagga Kacaanka Soomaaliyeed.

Waxa kale oo ka muuqday xarxariiqyo faro badan iyo qoraalo aan ujeeddo lahayn oo u ekaa in ay carruuro ku feegareen. Guud ahaan dugsigu wuu haawanayey wuxuna ka arradnaa dhammaanba kaabayaasha waxbarashada sida  kuraas, miisas, manhaj, tamaashiir, buugaag wax laga barto iyo macallimiin. Meesha kaliya ee ay indhuhu iska xajin karayeen waxay ahaayeen dhawr fasal oo ay wax ku dhiganayeen ardayda madarasadda Al-furqaan kuwaas oo dib-u-habayn nadaafad ku kooban lagu sameeyey. Waxanu filaynay in aanu tegi doono meel ka qurux badan kana habaysan dugsiyadii dhexe aanu ka nimid, runtuse waxay noqotay wax aanaan jeclaysan.

Hase ahaatee waxa yididiilo nagu beertay khudbaddii uu noo jeediyey maamule Cali Cabdi Jiciir taas oo aan is leeyahay meesha kaliya ee ay kaydsan tahay waa maskaxaha iyo xusuus-qorradii ardaydii maalintaas dhagaysanaysay.

Ugu horeyn wuxu noogu bushaareeyey in ay Wasaaradda Waxbarashada diyaar ku yihiin kuraastii iyo miisaskii aanu wax ku baran lahayn loona baahan yahay in arday kastaaba dhabarkiisa ku soo qaato. Wuxu noo raaciyey in Wasiirkii Waxbarashada, Jaamac Khayre Wacays (Alle ha u naxariisto) iyo Agaasimihii Guud, Xuseen Cilmi Warsame ay halkaas diyaar noogu yihiin si ay noo soo dhaweeyaan.

Maamule Jiciir wuxu intaas ku daray in la joojiyey manhajkii dawladdii hore ee af-Soomaaliga ku salaysnaa lana qaatay ka Boqortooyada Ingiriiska sidaas daraadeedna af-Ingiriisi wax lagu baran doono. Isbedelladaasi inay faa’iido noo leeyihiin iyo in kale ma aanu qiimeyn karayn balse weedh kasta oo afkiisa ka soo baxda, waxa ay doontaba ha noqotee, sacab iyo niyadsan ayaan ku qaabilaynay.

Muddo yar dabadeed maamuluhu wuxu nagu soo rogay in shaadh cad balcad ahaan loo soo qaato haddana wuxu ka daba keenay surwaal madow. Isagoo ku hadlaya siiqaddiisii kaftanka ahayd ayuu yidhi “Shallilaayaa ma shaadh cad baad waayaysaan? Al-madaad yaa nidaamka aynu xoojino”. Maanaan ogayn in ay hindiseyaal isaga u gaar ah ahaayeen iyo in ay wasaaraddu kula socotay waanuse aqbalnay.

Sidaas ayay maalinba wax u soo kordhayeen tayada waxbarashada iyo rajooyinkuna u sii wanaagsanayeen ilaa markii dambe aanu gaadhnay heer aanu yeelanay garoon aanu gabdho iyo wiilalba kubbadda kolayga ku ciyaarno iyo shaybaadh (Lab) qalabkiisu kooban yahay oo aanu mararka qaar tijaabooyinka sayniska ku samayno.

Maalmihii Dugsiga Faarax Oomaar waxay ahaayeen kuwo xusuuso miidhan ah oo la socday duruufihii dalka ka jiray iyo da’dii aanu ahayn. Giddigood halkan laguma soo koobi karo laakiin dhacdooyinka kale ee aan ka xusi karo waxa ka mid ah xafladihii aanu samayn jirnay xidhitaanada sannad-dugsiyeedka. Waxan si gaar ah u xusuustaa fannaaka Aakhiro oo qalabkiisa muusikada soo qaadan jiray noona qaadi jiray heesaha dhiiri-gelinta waxbarashada, gaar ahaan wuxu ku nuuxnuuxsan jiray heesta “dugsiyada oo aada walaalayaalo aada”.

Sannadkii noogu dambeeyey, waxanu safar kedis-aqooneed iyo kubbadda cagta ah ugu tagnay dhiggayagii Sheekh Cali Jawhar (Boorama) kuwaas oo iyaguna markii dambe noo yimid. Sidoo kale waxanu safaro la mid ah ku tagnay Berbera iyo Burco. Magaalooyinkaas dhammaantood si aan la malayn karin ayaa naloogu qaabilay.

Intii aanu qabanqaabada sarafarradaas ku jirnay, waxanu la kulannay masuuliyiin dhawr ah si aanu taageero u waydiisano, waxanan kala kulannay jawaabo kala duwan.  

Aan ku horreeyo Cali M. Warancadde. Maalin ka mid ah horraantii November 1999kii, wakhtigaas oo uu ahaa Wasiirka Waxbarashada, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, ayaanu annaga oo todoba ah oo guddidii ardayda ah u tagnay xoghayntiisii kana codsanay in aanu u galno wasiirka. Waxay noo sheegtay in ay wasiirka u geli karto oo kali ah ciddii ballan sugan la leh. Waanu ku celcelinay codsigayagii jawaabteediina “maya’ ayay noqotay.  Haseyeeshee isaga ayaa telefoonkeedii miiska saarnaa soo garaacay una sheegay in ay oodda naga qaaddo.

Waanu la yaabnay sida uu joogitaankayaga ku ogaaday. Markii aanu xafiiskiisa gudaha u galnay ayaanu aragnay shaashad uu ka daawanayo dhaqdhaqaaqyada dibadda.  Wakhtigaas maanaan fileyn tiknoolajigaa kamaradaha ee casriga ah; maalmo badan ayaanu ka sheekaynaynay. 

Markii aanu wasiirka u sharaxnay in aanu booqanayno ardayda Sheekh Cali Jawhar, wuu u riyaaqay wuxuna noo qoray jeeg 1,500,000 oo shilinka Somaliland ah lacagtaas oo aan u malaynayo in ay u dhigmaysay $600. Wuxuna yidhi “wax kasta waxa nooga muhiimsan is dhexgalka bulshada iyo dalkiina oo aad soo barataan”. Filan-waa farxadeed ayaa nagu dhacay. Quluubtayadii buu kasbaday.

Muddo yar kadib, Madaxweyne Cigaal ayaa isku shaandhayn sameeyey. Warancadde wuxu u wareejiyey Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta, Wasaaraddii Waxbarashadana wuxu u magacaabay Axmed Yuusuf Ducaale.

Bulshada Somaliland dal iyo dibadba way u riyaaqday magacaabista Axmed Yuusuf Ducaale. Waxa loo arkayey ruug-caddaa ku soo biiray xukuumadda. Hase ahaatee ardaydii Faarax Oomaar in badan oo ka mid ahi waxay qabeen dareenka ah “Warran-cadde halkiisa ha loo daayo, Axmed Yuusuf Ducaale-na wasaaradaha kale ee waaweyn mid ha loo dhiibo”. Waxayna is tuseen in ay dareenkaas mudaharaad ku muujiyaan. Balse hindisihii ayuu ku dhicisoobay xukuumadduna markii ay kollayba shakiday askar boolis ah ayay dugsiga hareerihiisa ku soo daadisay.

Toddobaadyo kadib ayaanu u tagnay Axmed Yuusuf Ducaale. Waxan ka codsanaynay in uu naga caawiyo safarkii aanu Berbera, Burco iyo Ceerigaabo ku tagaynay. Sida uu noola dhaqmi doono ayaanu ka cabsi qabnay maadaama laga yaabo in uu xan ku maqlay mudaharaadkii aanu ka fikirnay. Si aanaan filayn ayuu noo soo dhaweeyey, dhacdooyin xiiso leh oo taariikho u badnaa ayuu nooga sheekeeyey, laba foosto oo naafto ahna wuu noo qoray.  “Haddii aan haleel hayo, waaban idin raaci lahaa” ayuu nagu yidhi.

Masuulkii u dambeeyey ee aanu la kulannay wuxu ahaa Duqii Caasimadda Hargeysa, Cabdiraxmaan Ismaaciil Xuseen “Cadami”. Ujeeddadayaduna waxay ahayd uun in aanu kharash dheeraad ah u helno safarkayaga. Si weyn buu xafiiskiisa noogu soo dhaweeyey wuxuna na siiyey 500,000 Sl. Sh. oo u dhigmaysay qiyaastii $200. Waanu saluugnay oo ku siganay in aanu ku diidno. Wuxu nagu yidhi “idinkuna lacag aad ku tamashlaysaan baad raadinaysaan annaguna macallimiintii wax idiin dhigaysay oo bakhtiyaysa ayaanu mushahar u la’nahay.” Qaadhaankii waanu qaadanay laakiin hadalkaas caqli-celinta ahi wakhtigaas si wacan  noogumuu duxin. Wakhti dambe ayaanu garawsanay in uu naga saxsanaa!  

Waxan qormada ku soo gunaanadayaa xuska iyo xusuusta maamulayaashii iyo macalimiintii siyaabaha kala duwan ii xiisa-galiyey sida Cabdillaahi Cabdi-yare, Buuni, Cali Cabdi Jiciir, Xasan-bayoolaji, Aadan-kimistari, Xasan-Raan iyo Alle ha u naxariisto’e marxuumiinta kala ah Kayd, Carraale, Bigeys iyo Cali-Aadan. 

F.G. Maqaalkan waxan horey ugu darsaday buug aan weli ifka u soo bixin oo uu Khaalid Jaamac Qodax ka qoray taariikhda Faarax Omaar. Waan soo qadimay anigoo aan idanka qoraaga buugga ilduufin. 

khaire1@yahoo.com

1 Comment

  1. FloyddiC says:

    Очень много полезного о здоровье, моде и красоте на [url=http://dettka.com]dettka.com[/url]

Leave a comment

Subscribe to our RSS Feed! Follow us on Facebook! Follow us on Twitter! Visit our LinkedIn Profile!