Xuska 18 May OO Si Weyn Looga Dabaal Degay Somaliland

0
628

Hargeysa (Geeska), Xuska sannad guuradii 23-aad ee ka soo wareegtay, Maalintii ku dhawaaqday inay tahay dal madax banaan, oo sanad walba Somaliland si weyn looga xuso, ayaa iyada oo xuskan  18-may, oo Maanta ku beegna uu ahaa xus aad iyo aad uga duwan Xuskii iyo Munaasibadihii 18-may ee ka horeeyey.

Xuskan Maanta ee 18-may, oo muddooyinkii ugu dambeeyey aad looga dareemaye qaban –qaabadiisa, ayaa si weyn looga xusay Gobolada iyo Degmooyinka kala duwan ee Somaliland, gaar ahaan Caasimadda, waxaana xusid mudan in Saaka Salaadii Subaxa Bulshada iyo Muwaadiniinta reer Somaliland ku soo kalaheen goobaha kala duwan Suuqyada, gaar ahaan goobaha kala duwan ee loogu talagay in lagu soo bandhigo waxyaabaha loogu talagay Xuska 18-may, taas oo Ciidamada Amaanka ee Somaliland ay amaanka aad u adkeeyeen, iyada oo aan la ogelayn in wax Gadiid ahi socdo, marka laga reebo Gaadiidka Ciidanka.

Xuska 18-may, ayaa waxa qeybaha kala duwan ee Bulshadu ku soo bandhigtay waxyaabo aad loola yaabo aadna dadka u cajab galiyey, iyada Dhalinyarado iyagu jidhkooda si toos ah ugu Buufiyey Astaanka Calanka, Fardo, Awr iyo Libaax Goobta ama Fargaaha uu xusku ka dhacayey lagu soo bandhigay, waxyaabihii layaabka lahaa ee sidoo kale goobtaas lagu soo bandhigay ayaa waxa ka mid ahaa Gaadhi Dameer  Calankii Somaliland lagu soo xidhay, Dhalinyaro aad u da’ yar oo si cajiib ah u ciyaaraysa, Dugsiyada kala duwan ee iskugu jira Dawliga iyo kuwa gaarka loo leeyahay, Jaamacadaha kala duwan ee dalka,ayaa iyana halkaas aad uga dhex muuqday, Ganacstada Iskaashatooyinka ah ee kala duwan ayaana iyana bandhig halkaas ka sameeyey,waxa iyana sidoo kale halkaas maray Shaqaalaha Wasaaraddaha kala ee kala duwan, Xidhiidhada Ciyaaraha, Olomikada Qaranka iyo kooxaha kala duwan ee Caasimadda ka jira,  waxa kale oo aad u layaab badnaa in Rag aad u gaagaaban halkaas lagu soo bandhigay.

Dhinaca kale waxa iyana halkaas Cududooda ku soo bandhigay Ciidamada kala duwan ee Somaliland,Hubkooda iyo Gadiidkoodaba.