Xuseen Axmed Caydiid Oo Sharci-jabin Ku Tilmaamay In La Sameeyo Guddi Musdanbeed

0
478

Hargeysa (Geeska)-Wasiirkii hore ee Wasaaraddaha Cadaalada iyo Hawlaha Guud Md. Xuseen Axmed Caydiid, imikana ka mid ah hoggaanka sare ee  Xisbiga Mucaaradka ee Waddani, ayaa wax aan caqliga gali karin oo aan la qaadan karin ku tilmaamay Guddida mus-dabeedka ee uu Madaxweynuhu sheegay inuu Komishanka u sameeynayo, waxaanu tilmaamay in Dastuurka iyo Sharciga Somaliland u yaala aanu fasaxayn Guddidan, isla markaana ay khalad iyo sharci daro tahay in Komishanka hawlihiisa loo gacan dhaafo.

Wasiirkii hore ee Wasaaraddaha Cadaalada iyo Hawlaha Guud Xuseen Axmed Caydiid oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale sheegay in Xisbiga Waddani aanu sinaba u yeeli doonin Guddidan, waxaanu yidhi “Komishanka Doorashooyinku, waa Hay’add madax banaan oo Dastuuriya, oo u madax banaan Doorashada, laakiin wax caqliga galaya oo aanu qaadan karno maaha Guddidan Mus-dabeedka ee la leeyahay Komishanka la dul keenayaa, waa khalad iyo sharci daro in Komishanka hawlihiisa loo gacan dhaafo, oo la yidhaahdo Guddid Mus-dabeed oo Dastuurka iyo Sharciga dalku aan meelna kaga qornayn ayaa loo sameeynayaa Komishanka, waxa dhab ah in Komishanku uu madax banaan yahay, oo isagu xaq u leeyahay inuu magacaabo cida uu doono, ama Guddida uu doono, balse Guddi kale ayaan dul keenaya, wax aanu yeelayno oo suurtagal ah maaha, Xisbiga Waddani-na mawqifkiisu uu cad yahay, oo marnaba raali kama nihin Guddidan lagu sheegay mus-dabeed”.