Xus Loo Sameeyay Mujaahid Maxamed Aw Cali Dayib

0
1279

 

ayuubHargaysa(Geeska)-Xaflad balaadhan oo lagu xusayay mujaahid Maxamed Aw Cali Dayib alle haw naxariistii ayaa shalay ka qabsoontay magaalda Hargaysa. xafladan xuska ahayd waxa lagu soo bandhigay mujaahid Maxamed Aw Cali Dayib kaalintii fir-fir coonayd ee uu ka soo qaatay halgankii lagu xoraynayay Somaliland ee ururkii SNM.

Xuskan loo qabtay mujaahid Maxamed Aw Cali ayaa waxa ka soo qayb galay mujaahidiin aad u tiro badnayd oo ay kamid ahaayeen Maxamed kaahin Axmed, Muuse Biixi Cabdi, Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax, Ismaaciil Shaqale, , xidhibaano iyo marti sharf kale oo aad u tiro badan.

Ugu horayn waxa xaflada ka hadalay xildhibaan Axmed Muuse Obsiiye oo ka mid ahaa xubnii soo abaabulay xuskan loo samaynayay mujaahidka alle haw naxariistee, waxaanu xildhibaan Obsiiye ugu horayn uu ka hadlay qaybo kamida taariikhdiisii waxbarsho muj. Maxamed Aw Cali iyo ujeedada ay ugu qabteen xuska waxaana hadaladiisa kanid ahaa  “Haddaan in kamida taariikhtdiisa wax ka taabto ugu horayn waxa quraanka wax ka baray mujaahidka Aabihii Aw Maxamed oo isaguna xaafid ahaa, waxa uu ka dhigtay dugsiga hoose dhexe oo af carabiga ku baxa magaaladan Hargaysa, waxa uu dugsigiisii sare ku qaatay dugsiga Sheekh Suufi oo ku yaalay magaalda Muqdisho. 1974 waxaan u helay nasiib inuu igu soo dhaweeyo magaalda Muqdisho illaahay haw naxariistee waana markii u horayseen kulanay. Munaasabdan xuska ah waxaan ugu talo galnay inaan xasuusano taariikhdiisii oo ragii xogagaalka ahaa ee ay shaqada qaranka ay wada qabteen oo imika inala fadhiyaa inay inyar oo kooban inooga oo xasuusina inoo soo jeediyaan, talbaad waxaan xukumaada ka codsanaynaa inay iskuulka ay mujaahidkan ugu magac dartay waxa hadda uun ka baxay fasalkii u horeeyay ee sideedaad, markaa inay dugsigii sare inoogu sameeyeen iyo qodabka saddexaad oo ah in sanduuq loo abuurayo dugsigaa mujaahidka iyo agoomihii mujaahidiinta oo dhan, si uu baahiyaha jira wax uga kaabo sanduuqaas insha allaahuna waanu shaacin doonaa.”

Sida oo kale waxa xuskan ka jeediyay hadalo u badnaa taariikhdii mujaahidkan xuska loo qabtay alle hawnaxariistee Muj.Maxamed kaahin Axmed, Muj.Muuse Biixi Cabdi, Muj.Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax, Muj.Ismaaciil Shaqale, wasiirka boosaha iyo isgaadhsiinta Axmed Xaashi Oday. Kuwaas oo soo bandhigay taariikhdii kala duwanayd ee Muaajihid Maxamed Aw Cali Dayib, Alle haw naxariiste.