Madaxweynaha Oo Magacaabay Guddiga Qaban-qaabada Xuska 18 May

0
593

Picture1Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa magacaabay Guddida Qaban-qaabadda Xuska 18 May, oo uu gudoomiye u yahay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Mudane Cali Maxamed Warancade.

 Guddiga ayaa kala ah

 Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha      (Guddoomiye)        ,

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka iyo Wacyigelinta           

,Wasiirka Wasaaradda Wax-barashadda iyo Tacliinta Sare        

, Wasiirka Wasaaradda Dib-u-dejinta                                                  

 Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska   

 Wasiirka Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta                         

 Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka                                           Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Madaxtooyadda                     

La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Dadka laga tirada badan yahay 

 Maayarka Caasimadda Hargeysa                                                          

Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye Nac-nac                                 

 Mudane, Cabdillaahi Jaamac Cismaan (Geeljire)                            

 

Xubin Ka mid ah Isu-tagga Dallada Hay’adaha Aan Dawliga ahayn (SONSAF)

  Madaxweynaha oo la hadlaya guddigan, wuxuu yidhi “Sida aad la socotaan waxa foodda inagu soo haya haddii Eebe idmo Xuska sanad guuradda 23aad ee maalinta Qaranimada Somaliland ee 18 May, maalintaas oo mudan xus iyo xusuus gaar ah.

 Sidaas darteed, waxa aan mas’uuliyiinta qoraalkani sida tooska ah ugu socdo u magacaabay Guddida heer Qaran ee Qaban-qaabadda Xuska Sanad-guuradda 23aad ee maalinta Qaranimadda Jamhuuriyadda Somaliland ee 18 May.

 Haddaba, waxaan Guddida Qaban-qaabadda ka rajaynayaa inay xil qaranimo iska saari doonnaan xuska maalinta 18 May oo mudan qadarin gaar ah. Sidoo kale, Maamullada Gobollada iyo Degmooyinka waxa aan farayaa inay Guddida gacan buuxda ku siiyaan gudashada hawshan.”