Xuquuqda Shaqada Iyo Shaqaalaha: Axmed Adam Cali (Haybe)

Published on Apr 09 2014 // Maqaalo

4333Intaan Xaqa Daafacayn, Ka Yeel Dambas Waab Dhex Yaal.

Rabbow Dalka Kaanu  Nahay,   Intii Degel Muummin Yaal

Wanaag Ku Dallaallimee.

Qof kastaaba waxa uu xaq u leeyahay inuu shaqo tago loona fududeeyo sidii uu shaqo u heli lahaa, Islaamku wuxu si weyn u dhiiri geliyay in la shaqo tago isla markaana la ilaaliyo xuquuqda qofka shaqaalaha ah.

Fardi kastaana waa in laga abaaliyo waxa uu qabtay iyadoo la iska ilaalinayo in dulmi dhaco, Sidaa Allah (SW) u amray samaynta cadaalada ayaa loo baahan yahay in qof kastaaba ama cid kastaaba u cadaalad samayso bulshadeeda iyo shaqaalaheeda.

Waxa uu shaqaaluhu xaq u leeyahay in uu qaato khidmadiisa sida ugu dhakhsaha badan iyada oo aan waxba laga dhimayn, Nebi Maxamad (SCW) wuxu yidhi: “Siiya shaqaalaha khidmadiisa inta aanu dhididkiisu qalalin”.

Dhamaan falsafadaha dhaqaale ee aduunka ka jiraa way awoodi kari waayeen in ay wax ka qabtaan mushkiladaha dhaqaale ee aduunka ka jira gaar ahaan waqtigan casriga, iyadoo inta badan lagu fashilmay in dunidu ka nasto wel-welka iyo dhibaatada dhaqaale ee haysata.

Hababka dhaqan dhaqaale ee dunidan ka jira ayaa gebi ahaanba ku fashilmay in ay qofka siiyaan xuquuqdiisa dhinaca dhaqaalaha, Iyago kuwan bariga xooga saaray nidaam bulsheed meesha ka saaray xaqa uu qofku u leeyahay inuu iskii u shaqaysan karo iyo inuu iskii inuu wax u yeelan karo. Qofkuna wuxu ahaa keliya shaqaalaha dawlada ama kan bulshada iyagoo dadku isku mushahar ah oo aan qofna qofka kale ka dakhli sarrayn Karin,

Waxay ahayd khalad weyn, waayo dadku ma noqon karo sidii qof keliya oo ma sinaan karaan xaga kartida, aqoonta, wax soo saarka, waayo aragnimad iwm.

Dawlada ayaa la wareegtay, wershadihii, beerihii, iyo hantida gaarka ahaydba, waxayna tani sababtay in dadka lagu laayo hayntooda gaarka ah, waxa wada shaqayn kari waayay doonista iyo xuquuqdii qofku lahaa iyo nidaamkii shuuciga ahaa oo u muuqanayay mid ka soo hor jeeda fidrada iyo abuurka Rabaaniga ah ee qofka,

Waxayna arintani dhalisay in nidaamkii shuuciga (Socialism / Marxism) uu qudha ka jaro soddon malyuun oo qof, si loo hirgeliyo nidaamka waaqaca iyo abuurka ka hor imanaya, waxa kale oo iyana jiray tiro intan ka badan oo la xidhay iyo kuwo la mustaafuriyay. iyadoo aakhirkiina waaqicii ka hor yimi oo ay shaqayn kari weyday,  hortoodana ku burburtay.

Nidaamka isna ka fog tusaalooyinka diinta ee hintigoosadka (capitalism,) ee galbeedka ayaa isna noqoday mid fashilan ka dib markii ay u badisay dhinaca qofka iyadoo indhaha ka qarsatay bulshada amaba illowsan in haddii qofku ama shaakhsiyaad gaar ahi dhergo inta kalana gaajooto ay taasi saamayn ku yeelan doonto bulshada oo dhan,

Nidaamkani wuxu suurta geliyay in hantidu gacanta u gasho dad yar oo gaar ah kuwaas oo samaystay saro dhaadheer oo qurux badan iyo wixii ay doonaanba isla markaana ay gacanta  ku dhigaan tijaarada hadana ay gacan weyn ku yeeshaan maamulka iyo siyaasada halkaas oo ay ka baayac-mushtareeyaan wax kasta oo ay doonaan iyagoon eegayn akhlaaqda, dhaqan asluubta wanaagsan iyo danaha bulshada midna, waxa keliya ee ay  isha ku hayaan tahay macaash.

Waxa meesha ka baxday wax isa siinta iyo isu naxariisashada, tanna waxay abuurtay loolan iyo xasad dhex mara bulshada kaas oo u dhexeeya dadka wax haysta iyo kuwa aan waxbaba haysan ee qaadaa ma dhergah ah iyadoo raad ku yeelatay nabada iyo xasiloonida qofka iyo guud ahaanba bulshada.

Hadaba islaamku waa dariiq dhexdhexaada oo oo ilaalinaya xaqa qofka isla markaana ilaalinaya kan bulshada. Wuxu ku qotomaa xadiiska Nebi Muxamed (SCW) “Arrimaha waxa ugu kheyr badan kuwooda dhexe”.

Islaamka dhexdiisa qof kastaaba xaq ayuu u leeyahay inuu yeelan karo hanti gaara intay doonto ha dhumuc leekaato, maadaama uu ku kasbaday xoogiisa iyo dariiqo xalaala.

Iyadoo islaamku ku dhiirigeliyay kan wax haysta inuu xoolihiisa wax ka siiyo dadka foqorada ah ee baahidu taabatay, kuwaasi oo qaarkood ay yihiin amaro waajib ah sida sakada ,qaarna waa uun dhiirri gelin in uu wax baxsado oo waa sadaqad.

Islaamku isaga oo sare u qaadaya wacyiga qofka si uu isagu iskii wax ugu bixiyo isagoo taas Allah (SW)  ugu dhawaanaya ayaa yidhi “Maalka aduunka yaalla waxaa iska leh Allah (SW), sidaas awgeed islaamku uma arko in hadafku yahay lacag iyo xoolo uruursi, laakiinse xoolaha waxa uu u arkaa uun waddo loo maro sidii loo gudan lahaa waajibaadka qofka islaamka ah laga rabo.

Iyada oo qofka la milicsanyo xuquuqdiisa hadana waxa taas bar-bar socota oo iyana islaamku gaadhka ka hayaa xuquuda dhaqaale ee bulsho weynta sidaas awgeed waxa islaamku ku war-geliyay qofka muslinka ah in aanu adeegsan dariiqada ribada loo yaqaano oo ah mid aad qofka kale xaqiisa ku qaadanaysid, in aan la samayn waxa loo yaqaan ixtikaarka (kaydsi qarsi ah, si aad qiime sare ugu iibiso marka uu suuqa ka go’ ama yaraado),  waxa iyana islaamku mamnuucay waxa lo yaqaano qishka(waa inaad badeecadda aad iibinaysid ku khaladid shay kale oo ka duwan).

Dareenkan ruuxiga ah iyo wacyigan sareeya ayaa keenay in qofka islaamka ahi bixiyo sakada iyo sadaqadaba iyadoon la qasbayn balse tani waa is jacayl, naxariis iyo is kafaalasho dhex taal dadka muslinka ah iyo iyaga oo u arkaya marka ay wax bixiynayaan in ay  gudanayaan cibaado ay ugu dhawaanayaan Allah (SW).

Waxaynu nidhi islaamku waxa uu u arkaa in maalka dadku haystaa yahay maal Allah (SW),waxaana sidaas loo yidhi in dadka kibirka jecel ee wax magaratada ahi isaga sarraysiin dadka kale iyaga oo faan ka dhiganaya dhal-dhalaalka aduunyo ee Allah (SW) u dhiibay ee aanay marnaba ku helin wax ka baxsan awoodda Allah (SW).

Allah (SW) waxa uu maalkaa ugu dhiibay bal siday ugu tasarufaan iyo sida ay ka yeelaan ehelkooda, jaarkooda iyo guud ahaanba dadka baahan in la arko waana imtixaan. Sidaas ayuu islaamku u dejiyay qaab dhaqaaleed dhawraya qofka iyo bulshada baahideedaba,

Taariikhda runta ahi waxay ina tusaysaa in  xilliyadii dahabiga ahaa ee shareecada islaamka la hirgeliyay ee xadaarada islaamkuna iftiimisay dunida, in xal loo helay mushkilada dhaqaale ee maanta dunidan ku abuurtay werwerka , walbaarka, dagaalada joogtada iyo walaaca dhaqaale.

Waxa tusaale inoogu filan xilligii labada Cumar (Ibnu khadaab iyo Ibnu Cabdi casiis),xilligii Cumar Binu C/casiis waxaa dhacday in badhasaabkii xukumayay waqooyiga Afrika ka cawday in uu waayayba cid uu siiyo sakada sidaa daraadeed buu Cumar ugu jawaabay haddaad weyday cid aad siiso lacagtii sakada waxaad ku xoraysaa dadka adoomaha ah.

Taasina waxay muujinaysa dhinac kale sida islaamku u baadi doonayo xorriyadda basharka, waxaad kale oo aad ogaataa in sakadu ilaalinayso xuquuqda iyo  karaamada qofka miskiinka ah siday u ilaalinayso caqiidadiisaba si aanay uga faa’idaysan baahidiisa kuwa kibirka iyo dulmiga jeceli.

Erayada Abwaan Hadraawi:

Intaan xaqa daafacayn

Ka yeel dambas waab dhex yaal.

Rabbow dalka kaanu nahay

Intii degel muummin yaal

Wanaag ku dallaallimee.

Islaamka ku soo dabbaal.

Wa Bilaahi tawfiiq

 

Axmed Adam Cali (Haybe) Ahmed26june @Yahoo.Com ( 4421523

 

Leave a comment

Subscribe to our RSS Feed! Follow us on Facebook! Follow us on Twitter! Visit our LinkedIn Profile!