Xuquuqda Dadka Naafada Ah Ee Ka Qaybgalka Doorashooyinka

Published on Jun 28 2016 // Warar

Dhaqan ahaan fikirka aynu ka aaminsanahay dadka naafada ah, waa mid ka duwan sida xaqiiqadu tahay. Waxa laga yaaba marka aad maqasho ‘’naafo’’ inaad xasuusato erayga ‘’Curyaaan’’ hase yeeshe dadka naafada ahi kaliya maaha kuwa xubanahoodu dhantaalmeen.

Qaybaha naafanimadu waxay kala yihiin mid  jidheed,maskaxeed iyo mid dareen.

Naafanimdu waa natiijo ka dhalata marka qofka leh mid ka mida xadidnaanha awoodeed ee aan soo sheegnay uu la kulmo caqabad deegaan ama aragti qaldan oo kaga timaada bulshada inteeda kale. Waxa la isku raacsanyahay hadii qofka naafonimad lihi helo deegaan ku habboon iyo bulsho saacida uusan dareemin naafanimo.

Naafada laftigeedu  caqabad maaha laakiin dhibtu waa deegaanka, haya’daha, Hab-dhaqanka dadka iyo dhaqaalaha waxayna ka hortaagan in dadka naafada ahi ka qaybqaatan arrimaha danahooda, waana kuwaas kuwa ka faquuqaya bulshada inteeda kale. Cilmi-Baadhistii ugu dambaysay ee ay sameeyeen ururka caafimaadka adduunka iyo Baanka Adduunka (2011, WB and WHO) ayaa waxay tilmaamaysaa in bulsho kasta qiyaas ahaan 15.3-15.6% dadkeeda ka mid ahi ay leeyihiin naafonimo heerar kala duwan. Mar haddii Somaliland aynaan weli samayn macluumaad tirakoob ku salaysan, waxan qiyaas u qaadan karnaa tirakoobka caalamka, oo u dhigma in qiyaastii inta u dhexaysa 535,000 iyo 546,000 (15%) oo dad naafonimo lihi ay ku nool yihiiin Jamhuuriyadda Somaliland.

Naafanimadu waxay u muuqataa mid si khalad ah loo fahmay oo ay tahay mushkilad qofka ku kooban iyo inay la xidhidhsan tahay caafimaad iyo mucaawimo in la siiyo, iyadoo dadka naafada ahna loo arkaayo inay yihiin dad buka, aan la mid aheyn dadka intiisa kale ee aan naafada aheyn, una baahan yihiin xannaaneyn keliya. Sidaas daraadeed waxqabadkii bulshada waxa loo jiheeyey in “la gargaaro”..

Taasi waxay muhiimada saaraysaa baahiyaha daweynta (Caafimaad) ee qofka naafada ah iyadoo la dayacaayo baahiyahooda guud ee nololeed iyo bulsho. Taaso natiijadeedi ay noqotay in lagu takooro xarumo gaar ah oo keligood iyo qoysaskooda lagu oodo. Mar haddii xoogga la saaray xagga daaweynta ama baahiyaha gaarka ah ee dadka naafada ah, waxa meesha ka baxaya oo dayacmaysa xuquuqdoodii iyo baahiyihii kale.

Maxaa sababa Naafanimada

Naafanimada Somaliland ka jirta badankeeda waxa sababa tayaxumada adeegyada caafimaad ee waddanka ka jira. Marka hooyu umulayso badana ma hesho daryeel caafimaad oo ku filan. Haddii la tayayn lahaa adeegyada caafimaad waxa laga baaqsan lahaa carruur naafo ah oo dhalata ama hooyo naafowda. Sidoo kale, shilalka gaadiidku waa waxyaabaha ugu badan ee dadku ku naafoowaan. Dagaaladii sokeeye iyo weliba kuwii ka horeeyay ee dhexmaray dawladdii Siyaad Barre  iyo mucaaridkii hubaysnaana waxay dhaliyeen in ay ummad badani ku naafowdo.

Caqabadaha Haysta Dadka Naafada Ah

Dastuurka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland wuxuu cadeynayaa sinaan, xorriyad, cadaalad iyo sharafta dadka oo dhan iyadoo dastuurku inna faraayo bulsho dhammaanteed isla jaanqaadda oo aan faquuqid lahayn. Haddana dadka naafada ah ee Somaliland badankoodu ma helaan adeegyada kooban ee waddanka ka jira. Waxa intaas sii dheer iyadoo ay dhammaan ka hor yimaaddaan caqabaad iyo fursado la’aan si ay bulshada uga qayb qaatan si la siman dadka kale. Dadka naafa ah ee Somaliland ku nooli waxay la darsaan dhibaatooyin badan oo ku keena in ay dareemaan in ay naafo yihiin. Dhibaatooyinkaas waxa ka mid ah:

Deegaanka: Badi dhismayaasha danta guud sida wasaaradaha, saldhigyada booliiska, dhismayaasha adeegyada caafimaadka iyo goobaha adeegga bulshada maaha qaar ay dadka naafada ahi ay si fudud u geli karaan. Waxa ka maqan meelaha jaranjarada ah ee laga galo (ramps) calaamadaha wax haga, iyo calaamado kale oo fududayn lahaa isticmaalkooda.

Qorshayaasha dhismaha magaalooyinka sida suuqyada laga adeegto iyo wixiila mid ah kuma xisaabtamaan isticmaalka naafada iyo dadkoo dhan.

Adeegyada Waxbarashada, Arrimaha Bulshada, Caafimaadka, gaadiidka iyo nidaamka qorshaha xaafadaha ee ay sameeyaan dawladaha hoose ama dawladda dhexe ama ururada mutadawaciinta ahi maaha qaar habboon oo isku xidhiidhsan oo dadka naafada ah baahiyohooda ka tarjumaya. Taasi waxay keentay in dadka naafada ahi ay awood waayaan oo ay dadka kale ku tiirsanaadaan.

Dhaqaalo yaraan: Dadka naafada ah waxa haysta dhaqaale yaraan aad u baahsan taasi oo ay ugu wacan tahay shaqola’aan iyo weliba xirfaddooda shaqo oo aad u hoosaysa. Sida ku cad xeerka shaqaalaha Jamhuuriyadda Somaliland ee Act No. 31/2004 qodobkiisa 7aad firqadiisa 1aad wuxuu sheegayaa in dhammaan muwaadiniinta Somaliland u simanyihiin fursaddaha shaqo iyada oo aan loo eegayn jinsigooda, da’dooda, midabkooda, fekerkooda siyaasiga ah iyo weliba naafanimadooda.:Sidaas oo ay tahay, haddana hay’adaha dawladdu iyo weliba kuwa shirkadaha gaarka loo leeyahay ba waxay door bidaan in ay shaqaalaysiiyaan muwaadiniinta aan naafada ahayn iyaga oo ku tumayana kuwa naafada ah.

Waxbarasho la’aan; Waxbarashada Somaliland ka jirtaa maaha mid loogu talagalay dadka naafada ah waayo, way yar yihiin macalimiinta ku takhasusay waxbarista dadka naafada ah, ma haystaan qalab u sahlaya in ay waxbartaan. Xilligan hada la joogo waxa waddanka dhan ka jira  dhawr iskuul oo ay naafadu wax ku bartaan kuwaas oo ku kala yaala Hargeysa, Burco iyo Borama, haddana iskuuladaas oo aad u tiroyari kuma filna dad tiradoodu  ku dhawdahay lix boqol oo kun oo qof. Hablaha naafada ah loo ma diro waxbarasho badanka, oo waxa lagu hayaa guryaha iyada oo laga qarinayo bulshada kale, taasina waxay ku keentaa niyadjab. 

Takoorid: Badanka dhibaatooyinka ay dadka naafada iyo qoysaskoodu ay bulshada kala kulmaan waxay ka soo jeedaan faham iyo fikrado khaldan oo laga aaminsan yahay naafanimada sida aragtida ah in naafanimadu ay ka timid inkaar xag Alleh kaga dhacday qofka naafada ah. Waxaa jirta faquuqid dadka naafada ku khasbaysa inay dibada uga baxaan nolosha caadiga ah ee bulshada guud. fikradda khaldan ee Somaliland dadkeedu ay ka qabaan dadka naafada ahi waxa weeyaan inay ula dhaqmaan sidii dad buka oo u qalma in loo naxariisto, la daryeelo oo la daweeyo keliya. Taasi waxay keentaa in dadka naafada ah la faquuqo oo loo arki waayo inay yihiin dad sida dadka kale xuquuq leh oo la siman. Takoorka dadka naafada ah lagu hayo waxa kale oo ka mid ah hadalo xun xun oo kaga imanaya bulshada ay la noolyihiin oo aan dareensanayn dhibkooda. Bulshada ay ku dhex noolyihiin waxay u aragtaa dad aan waxba kusoo kordhin karin oo dadkale dulsaar ku ah, had iyo jeerna raba in la caawiyo. Runtii dadka naafada ahi sidaas ma aha, waa dad haddii ay helaan waxbarasho, caafimaad iyo shaqo wax badan kusoo kordhin kara waddanka.

Gunaanad

Dadka naafada ahi waxay xaq u leeyihiin in ay helaan dhamaan adeegyada dadka aan naafada ahayni helaan. Adeegyadaasi waxa ka mid ah xaqa caafimaadka, waxbarashada, shaqada iyo weliba ka qaybgalka siyaasada waddanka. Waxay xaq u leeyihiin in ay wax doortaan lana doorto, waxay xaq u leeyihiin in go’aan kasta oo saamayn ku leh noloshooda lagala tashado oo ahmid la siiyo. Somaliland waa dal dimoqraadi ah, dimoqraadiyadana waxa tiir u ah in loo simanyahay dhamaan adeegyada dawladdu bixiso. Haddii aan loo sinayn waddankaasi ma noqonayo waddan dimoqraadi ah. Marka la isdiiwaangelinayo ama doorasho dhacayso ee warbaahinta laga sheegayo xogta diiwaangelinta iyo doorashada ku saabsan, dadka naafada ahi waxay xaq u leeyihiin in ay fahmaan xogtaas oo la gaadhsiiyo si ay xaqooda muwaadinimo u gutaan. Waxa waajib ah in qof afka dhagoolayaasha yaqaana TV yada laga shaqaalaysiiyo si ay u la socdaan diiwaangelinta, doorashada , wararka iyo wax alla wixii kusoo kordha waddanka iyo caalamkaba. Haddii sidaas la sameeyo, dadka naafada ah waxaa u muuqanaysa in ay yihiin muwaadiniin la siman muwaadiniinta kale. Runtii dadka naafada ahi waxa ay qabankaraan waxkasta oo qofka kale qaban karo.  Tusaale ahaan, xilliga doorashada waxay noqon karaan guddoomiyaha guddida doorashooyinka, ama madaxda goobaha doorashada,  waxay u tartami karaan jagooyinka sarsare ee waddanka sida xildhibaan, wasiir ilaa madaxweyne. Haddii jagooyinkaas laga qaybgeliyo dadka naafada ah waxay kor u qaadi lahayd isdhexgalka bulshada, dadka naafada ahna waxay u noqon lahayd dhiirigelin.

Somaliland waxay wax ku noqonaysaa marka dadkeedu u wada sinaadaan dhamaan adeegyada dawladdu bixiso. Haddaan dadka naafada ah laga qaybgelin adeegyada waxbarshada, caafimaadka, shaqada , iyo weliba siyaada ogow in ay naan horumar gaadhayn. Dadka naafada ahi bulshaweynta reer Somaliland ayay ka mid yihiin, sida dadka kale ayay waddanka wax kusoo kordhinkaraan haddii fursad la siiyo.

 

comment closed

Subscribe to our RSS Feed! Follow us on Facebook! Follow us on Twitter! Visit our LinkedIn Profile!