Xulka Qaranka Ee Kubadda Cagta Ruushka Oo La Siiyey Talada Uu Kaga Badbaadi Karo Khatarta Maxamed Salaax

55
10353

Moosko (Geeska)- Mid ka mid ah Ciyaarhahannada ciyaaraha legdinta ee dalka Ruushka ayaa talo maadays ah dalkiisa ka siiyey sida ugu habboon ee ay isaga ilaalin karaan khatarta weeraryahanka kubadda cagta ee reer Masar Maxamed Salaax, xilliga ay socdaan ciyaaraha kubadda cagta adduunka ee sannadkan ka dhici doona dalka Ruushka.

Xabiib Nuur Maxamedoof ayaa khamiistii ina dhaaftay boggiisa Instagram ka ku qoray farriintan talada uu ku sheegay ee ku waajahan dawladda Ruushka, “Waxa aan garanayaa sida ugu habboon ee xulka kubadda cagta Ruushku ay ku joojin karaan khatarta Salaax, xalku waa in aynu isaga u diidno dal-ku-galka (Fiisaha)”

Talada Maxamedoof ayaa timid kaddib markii la soo saaray liiska isku aadka xulalka qaramada adduunka ee kubadda cagta, kaas oo kooxda koowaad ka wada dhigay Ruushka, Masar, Sucuudiga iyo dalka Urugwaay (Uruguay). Iyada oo caadi ahaanna la ogyahay in uu Maxamed Salaax u safan doono xulka qarankiisa.

Ciyaaryahanka 25 jirka ah ee reer Masar ayaa toddobaadkii hore ku guulaystay abaalmarinta ciyaartoyga ugu fiicnaa ciyaaraha kubadda cagta ee wareegga Ingiriiska (Premier League), taas oo ka dhigaysa Masaarigii abid ugu horreeyey ee abaalmarintan hela, iyo Carabkii labaad iyo Afrikaankii labaad ee hela abaalmarintan oo uu uga horreeyey xiddiggii reer Aljeeriya ee Riyaad Maxras oo helay sannadkii 2016 ka. Waxa kale oo uu Salaax ku guulaystay abaalmarinta ciyaartoyga ugu fiicnaa ciyaaraha haaf-dhamaadka ee horyaalka Yurub. Shabakadda wararka ee xidhiidhka kubadda cagta Yurub (UEFA) ayaa lagu sheegay in Salaax uu codkii loo qaaday boqolkiiba 92 helay, halka xidigga reer Baraasiil ee u ciyaaraha Real Madrid Marcelo Da Silva uu isagu helay boqolkiiba 8 keliya. Salaax waxa uu abaalmarintan isu soo sharraxay shan jeer oo uu afar jeer oo ka mid ah ku guulaystay.

Maxamed Salaax oo xilli ciyaareedkan u saftay kooxda Liverpool ee dalka Ingiriiska ayaa 47 ciyaarood oo uu ka qaybgalay waxa uu dhalay 43 gool, halka uu 15 gool oo kalana isagu sameeyey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here