“Xukuumadu, Labada Beelood Ciddii Heshiiska Ka Hor Timaada Ee Jabis Ha Xidh-Xidho Oo Khaladka Halagu Qaado”

27
2989

Suldaanka guud ee beelaha Somaliland

Hargeysa (Geeska)-Suldaanka  guud ee beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir ayaa ka hadlay dagaalka soo noq-noqday ee dhexmaray labada Beelood ee walaalaha ah ee wada dega Degaanka  Ceel-afweyn, waxaanu  Xukuumadda ugu baaqay in talaabo adag ka qaado cid kasta oo heshiiska jabisa.

Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay saami qaybsiga, waxaanu xusay in saami qaybsiga aan si siman oo cadaalad ah aan loo qaybin, waxaanu ugu horeyn uu yidhi  isagoo ka hadlaya dagaalka dhexmaray labada Beelood ee Ceel-afweyn  “Labada Beelood iyaga ayaa marka hore nabadooda ka tashan kara, laakiin Raggan ku dhex jira ee kolba isku dhaarinaya, Ingiriiskii baa dhaamay, oo marka laba Beelood is laayaan intuu isku keeno odhan jiray heshiiya, kuwa heshiiska jabiya, ayaa la xidh-xidhi jiray, oo Jasiiradaha ayaa la geyn jiray, waxaa loo baahan yahay dad daacad ka noqda si ay heshiiska u dhamaystiraan, heshiiskaasina wuxuu u baahan yahay shuruudo adag, in la dhex dhigo labada reer, waayo dagaalkoodu faa’iido inooma soo kordhinayo, waana kugu dhimay, oo ka dhimay”.

Suldaan Maxamed Cabdiqaadir mar uu ka hadlaayey Xukuumadda iyo waajibaadkeeda ka saaran colaada Ceel-afweyn ayaa yidhi  “Xukuumadda waxaan leeyahay gacantiina kala baxa, labadan beeloodna waxay leeyihiin cuqaal, odayaal iyo dad madax ah, oo heshiisiin kara, laakiin marba guruub halkan ka taga, heshiis kama dhalin karaan, balse Xukuumadda waxaan leeyahay Labada Beelood cidii heshiiska ka hor timaada, ha xidh-xidho ragga saxeexaya, oo cidii jabisa, khaladkeeda ha lagu qaado, laakiin inta la qiiroodo in la yidhaah ma heshiinaysaan, haa waanu heshiinayna iyana yidhaahdan, haddana xabadii isku ridaya, waa dhibaato, oo ergada dhex tagtay ayaan daacad ahayn”

Suldaan Maxamed mar uu ka hadlaayey Saami qaybsiga ayaa yidhi “Saami qaybsiga Somaliland uma wada sina, Beelana waxaad mooda inay iyagu meesha leeyihiin, Beelana cidlada ayey yaalaan, sida saami qaybsiga loo doonayaa waa in wixii isl eeg la is leeykaysiiyo, wixii ka yar koobana ay saamigooda ay helaan, in Dastuurka dib loo furo, in la akhriyo oo la darso, ayuu ku wanaagsan yahay, oo wixii lagu darayana lagu kordhiyo, wixii laga saarayana laga saaro, laakiin Dastuur Sanduuq ku qufulan umad isku xukumaysa waa dhibaato”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here