“Xukuumadu Iyadaa Dayacday Waajibaadkeedii Sicir Bararka”Xildhibaan Weli Axmed Xaawa

0
455

Hargeysa(Geeska)-Xildhibaan Weli Axmed Xaawa,oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada,kana tirsan Xisbiga mucaaradka ee Waddani,ayaa ka hadlay sicir bararka iyo qiimaha sarifka lacagta doolarka ee dalka ka jirta waxaanu masuuliyadooda dusha ka saaray Xukuumadda,oo uu sheegay in waajibaadkii looga baahna ee ahaa inay wax kaga qabato aanay gudanin, waxaanu xusay inay Xukuumaddu meelo kale oo aan sabab u ahayn sicir bararka iyo qiimaha sarifka ee kacsan kula meeraysanayso.        

Xildhibaan Weli Axmed Xaawa ayaa sidoo kale ka hadlay xaalada abaareed ee dalka ka jirta,waxaanu ugu horeyn uu yidhi isagoo ka hadlaya sicir bararka "Waa dhab inuu sicir barar jiro oo waliba sarifkii lacagta doolarkuna uu aad u kacsan yahay, masuuliyada waxa iska leh Xukuumadda, maxaa yeelay iyadaa dalka ka masuul ah oo xilkii haysaa,waxay ahayd inay la timaado siyaasad iyo qorshe ay wax kaga qabato,oo waxay ahayd inay Wasaaradda Maaliyaddu la timaado qorshe xal u noqda dhibkan taagan ee sicir bararka oo waxay ahayd in xitaa Baanka Dhexe la dardar geliyo,laakiin Xukuumaddu iyadaa dayacday waajibkeedii ay wax kaga qaban lahayd sicir bararka iyo sarif bararka yaanay cid kale kula meeraysan ee wax ha ka qabato"

Dhinaca kale Xildhibaan Wali Axmed Xaawa,ayaa ka hadlay abaarta baahsan ee dalka ka taagan, waxa uu sheegay in abaartii daba dheeratay, roobkii  la filaayeyna  wali di'in, waxaanu Alle ka baryay inuu dadkiisa raxmadiisa u shubo.