Xukuumadii Masar Oo Is Casishay

0
610

Picture4Xukumadda Masar ee militariga taageera ayaa is-casishay, ra’iisalwasare Hazem Bedlawi ayaa is-casilaadda kaga dhawaaqay Telefishinka.

Ra’iisalwasaaraha ku meel gaadhka ah ee Masar Hazem el-Beblawi ayaa si lama filaan ah ugu dhawaaqay in xukumaddiisu ay xilka ka degtay.

Khudbad uu ka jeediyay telefishinka ayuu El-Beblawi ku sheegay in dalka Masar usbuucyadii la soo dhaafay ay soo mareen sarakac shaqo joojinta ay samaynayaan shaqaalaha rayidka.

Waxa uu sheegay in caalamka oo dhan aanay jirin dowlad ka soo bixi karta dhammaan dalabka shacabkeeda muddo aad u gaaban.

Wargeyska ku hadla afka dowladda ee Al-Axram ayaa sheegay in El-Beblawi laga codsaday inuu xilka sii hayo tan iyo inta laga magacaabayo qofkii badali lahaa.

Dowladda ku meel gaadhka ah ee militarigu taageera ayaa xukunka la wareegtay bishii July kaddib markii militarigu uu afgembiyay madaxweyne Maxamed Mursi.

Wargeyska oo soo xigtay ilo wareedyo aan la magacaabin ayaa sheegay in wasiirka guryaynta Ibraahim Mihlib uu baddali doono ra’iisalwasaaraha xilka ka degay.

Sida uu sheegay wargeyska, go’aanka ah in xukumadda ay is-casisho ayaa lagu gaadhay shir socday muddo 15 daqiiqo ah oo shalay la qabtay, kaasi oo uuna ka qeyb-galay taliyaha ciidamada militariga isla markaana ah wasiirka difaaca Cabdifitaax Al-Siisi

Sida ku cad dastuurka cusub ee bishii Janaayo la meel mariyay, waxaa khasab ah in doorasho ay dalka ka dhacdo bartamaha bisha April.