“Xukuumaddu Waa Inay Talaabo Adag Ka Qaadaa Cid Kasta Oo Isku Dayda Inay Bulshada Kiciso”

53
3182

Xildhibaan Siciid Warsame Ismaciil (Gaane)

Hargeysa (Geeska)-Guddoomiyaha Guddida Deeganka iyo Khayraadka Dabiciiga Xildhibaan Siciid Warsame Ismaciil (Gaane), ayaa wax aad loola yaabo ku tilmaamay in Somaliland lagu tilmaamo maamul, xilli qaramada midoobay ka  hadleen dagaalkii ka dhacay Tukaraq ee ay ku codsadeen in dawladda Somaliland iyo maamulka Puntland bilaabaan wada hadal islamarkaana sameeyaan xabad joojin.

Guddoomiyaha Guddida Deeganka iyo Khayraadka Dabiciiga Xildhibaan Siciid Warsame Ismaciil (Gaane), oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa yidhi “Somaliland waa dal madaxa banaan, oo aan ka mid ahayn nidaamka fadaralka Somaliya, wax ina qabta maaha in inagoo ah qaran in la inagu sifeeyo maamul, iyo in  la yidhaahdo yaan lagu dhaqaaqin wax midnimada Somaliya wax yeelaya, adeer Somaliya waxaanu xoriyadaydii dib ugala soo laabanay 1991, lagamana yaabo in aanu dib dambe uga mid noqono, Somaliland haddii si kasta loogu shiro cid wax ka qaadaysa ma jirto, sababtoo ah dadka reer Somaliland waxay hoos joogaan calankooda oo ah tawxiidkii”

Xildhibaan Siciid Gaane mar uu ka hadlaayey Dagaalkii Ceel-afweyn ayaa yidhi “Waxay dadka qaar ku hadlayaan waa waxaan waxba ka tarayn nabadaynta, waana wax sii hurinaya colaada, ee waxaan kula talin lahaa inay joojiyaan isku jawaabida, oo Madax-dhaqameedka iyo Dhalinyaraduba ha joojiyaan wax kasta oo nabadgalyada wax u dhimaya, sideedabana waxaan ujeedin lahaa in laga dheerado wax kasta oo umaddeena dhexdooda dhib iyo colaad ka abuuri kara, Xukuumadduna waa inay talaabo adag ka qaada cid kasta oo isku dayda inay bulshada kiciso, dhexdooda cadaawad ka dhex abuurto, Madaxweynuhuna waa inuu dedajiyaa dadkii ama guddidii uu u xilsaaray xalinta labada beelood ee walaalaha ah.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here