“Xukuumaddu Waa Inay Ku Dadaasha Sidii Ay Colaada U Soo Afjari Lahayd”

36
4166

Dr Cumar Shucayb Maxamed

Hargeysa (Geeska)-Wasiirkii hore ee Wasaaradda Ganacsiga Dr Cumar Shucayb Maxamed, ayaa ka hadlay dagaalka dhexmaray labada Beelood ee wada dega Deegaanka Dararweyne, waxaanu kula taliyey in heshiis iyo nabad qaatan, oo dagaalka iyo colaada joojiyaan, ALLENA ka cabsadaan.

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Ganacsiga Dr Cumar Shucayb Maxamed, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa yidhi “Labadan Beelood ee walaalaha ah, waxaan leeyahay is daaya, oo dhiiga aad daadinaysaan ALLE raali kama ah, ee joojiya, nabadgalyadu iyo xasiloodu dantiina ayey ku jirtaa, oo wanaagiina ayey ku jirta, ee cadaawada iyo dagaalka joojiya, cid iska kiin xigta, ma jirto, idinka is dhalay, oo wada dega, waxaana ALLE ka baryayaa inuu bogiina burcad isku mariyo, Xukuumaddu waa  inay ku dadaasha sidii ay colaada u soo afjari lahayd”.

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Ganacsiga Dr Cumar Shucayb Maxamed, ayaa sidoo kale Cidanka Qaranka ee Somaliland ku bogaadiyey qaabka ay labadan Beelood u kala dhex galeen, iyo qaabka ay u baajiyeen dagaal kale oo dhexmara iyo dhiig dambe oo la daadiyo.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here