“Xukuumaddu Kala Madaxbanaanidii Waaxyaha Dawlada, Waxay Doonaysaa Inay Ka Dhigto Wasaarad Hoos Timaada”

0
502

Hargeysa(Geeska)-Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Xoog), ayaa xukuumadda ku dhaliilay inay rabto in ay wada liqdo qPicture3aybaha kala duwan ee dawladu ka kooban tahay hadday xeerdajin tahay iyo haddii ay garsoor tahayba.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoog waxa uu tusaale u soo qaatay xubnihii ka mid ahaa garsoorka dalka ee dhawaan warbaahinta ka sheegay in xukuumaddu faro galin qaawan ku hayso, waxaanu xildhibaanku sidan ku sheegay dalka Isutaga Imaaraadka Carabta oo xaflad ay ugu qabteen jaaliyada reer Somaliland ee dhulkaas joogtaa guddoomiye Cabdiramaan Ciro iyo xubno weheliya.

Waxaana isaga oo arimahaas ka hadlaaya uu xildhibaanku yidhi“Xukuumaddu kala madaxbanaanidii waaxyaha dawlada  ee kala ahaa xeerdajinta,garsoorka iyo Fulinta oo xukuumadda, dhamaantood waxa ay doonaysaa in ay ka dhigto wasaarad hoos timaada, waxa la yidhi mayd maxaa ugu danbeeyay iyo kaas la sii sido, waxa hadda u danbaysay qayladii garsoorka ka baxaysay, garsoorka oo ah niman markiiba la odhan karo hala eryo ayaa si badheedh ah u soo fadhiistay warbaahinta oo yidhi khaatiyaan ayaanu ka taagnahay wasiiradii, kiisaskii ayay u soo qorayaan waxaanu ku faraynaa, dastuurkaba may akhriyin ee inay kala madaxbanaanyihiin.”