“Xukuumaddii Hore Sicir Bararka Haba Yaraate Waxay Ka Qabatay Ma Jirto, Balse Waxaan Qabaa In Xukuumadani Ay Wax Ka Qaban Doonto”

29
3131

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caalin (Cabdiraxmaan Dheere) oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, ayaa sheegay inay Xukuumaddan Muuse Biixi ay ka nidaam wanaagsan tahay Xukuumaddihii hore ee Axmed Siillaanyo iyo Daahir Rayaale, marka loo eego dhinada tirada Wasiiradda, oo uu sheegay inay aad uga kooban tahay, waxaanu xusay inuu kalsooni ku qabo inay Xukuumaddani horumar balaadhan dalka gaadhsiin doonto, isla markaana sicir bararka wax ka qaban doonto.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caalin (Cabdiraxmaan Dheere),  oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay Dastuurka iyo furistiisa, waxaanu Cali Khaliif Galaydh ugu baaqay inuu iska daayo deg dega, oo uu ka war sugo Xukuumadda, waxaanu xusay in Xukuumaddii uu heshiiska la galay ay meesha ka baxday, waxaanu ugu horeyn yidhi “Xukuumaddani waa Xukuumaddii aan soo doortay, Madaxweynuhuna waa Madaxweynihii aan soo doortay, boqolkiiba  boqolna waan ku kalsoonahay, ILLAAHAYNA waxaan uga baryayaa inuu xilka ku asturo, horena waan ugu hambalyeeyey, imikana waan u hambalyeynayaa, waxaana aad iyo aad ugu kalsoonahay in Xukuumadda Muuse Biixi dalka horumar balaadhan u horseedi doonto, wax badana ka qaban doonto”.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Dheere mar uu ka hadlaayey Dastuurka iyo doodda ah in la furo distoorka iyadoo la fulinayo heshiiskii ay wada galeen xukuumadii Siilaanyo iyo Cali Khaliif Galaydh,  ayaa yidhi “Dad baa jira aad moodo inuu deg deg fara badani ka muuqdo, oo Xukuumaddan oo cimnigeeduba aanu laabatan cisho gaadhin doonaya inay yidhaahdeen maxay qabatay, waa dhaqan sidaas u abuuran oo aynu caadi iskaga leenahay, waxaana leenahay waar dadku yaanu deg degin, Cali Khaliif Galaydhna waxaan leeyahay waar Caliyoow, Xukuumaddii aad heshiiska la gashay imika meesha ma joogto, Xukuumaddan bedeshayna 17 cisho ayey Xafiiska joogta, goorma ayaa heshiiskaaga wax laga qabtaa, oo la galaa, waxaan ku odhan lahaa deg deg baa ka muuqda, nin weyn oo siyaasiya ayaad tahay, wax badan baad og tahay, hana ku deg degin waxyaabo fara badan oo heshiiska ku jiray, oo Dastuurka furistiisu ka mid tahay, ayaa jira, Dastuurkana adiga lagu furi maayo, ee Qaranka ayaa loo furayaa, markaas wax aad adigu gaar u leedahay ha iskaga dhigin, oo deg deg fara badan baa ka muuqda ee cagta dhig, Dawladdana wakhti sii”.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Dheere mar aanu wax ka weydiinay sida uu arko tirada Wasiiradda ee Xukuumaddan iyo Xukuumaddihii ka horeeyey, ayaa ku jawaabay “Xukuumaddii Ina Rayaale intay ahayd waa la garanayaa, Xukuumaddii Siillaanyana waa la garanayaa intay Wasiiraddu ahaayeen, Xukuumaddan Muuse Biixina aad bay u kooban tahay, labadaasba wey ka kooban tahay, haddii aynu u baahano inaynu sii koobnana weynu sii koobaynaa, sidan ayey baahidu noqotay, sidan ayaana raali kaga nahay anagu, waana khayr mar haddii aynu maanta ka raysanay Wasiiraddii xad dhaafka ahaa iyo Wasiiraddihii tirada badnaa”.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Dheere mar uu ka hadlaayey Sicir bararka iyo Maceeshada ayaa yidhi “Sicir bararka marar badan oo hore ayaan ka hadlay, oo Xukuumaddii hore sicir bararka haba yaraate waxay ka qabatay ma jirto, balse waxaan qabaa in Xukuumadda Muuse Biixi ay wax ka qaban doonto, Sicir bararka hore loo dhayalsaday in wax laga qabto, Sicir bararkana shirkii ama tababarkii Wasiiradda ee  Xukuumaddani qabatay ayaa lagaga hadlay, sidaan maqlayna Guddi ayaa loo saaray, Guddidaas ayeyna ka war sugaynaa”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here