“Xukuumadda Waxaan Kula Talinayaa Inay Talaabo Adag Ka Qaado Cid Kasta Oo Fidno Abuuraysa”

31
3390

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Ibraahim Axmed Raygal, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, ayaa Xukuumadda u soo jeediyey talooyin ah inay xaliso, soona af jarto colaad kasta oo jirta,waxaanu si gaar ah u sheegay inay xooga saarto heshiisiinta Beelaha Sool iyo Sanaag.

Xildhibaan Ibraahim Axmed Raygal, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika, ayaa ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay “Colaad la abuuro, in fidno huruda la kiciyo, iyo dhiig la daadiyo, waa dambi weyn,ILLAAHAYNA raali kama aha, mana ogola in dhiiga muslimiinta la daadiyo, waxaana labada Beelood, ee wada dega Gobolka Sool, kula talinayaa inay heshiiska si bilaa shuruuda ku qaatan, oo colaad dambe oo dhex marta iyo dhiig dambe oo ay kala daadiyaan, aanay dib u dhicin, waxaana labada Beelood, leeyahay ergooyinka maqla, oo wax kasta oo heshiiskiina lagu xalinayo, wanaag iyo islaaxna dhexdiidana lagaga dhalinayo qaata”.

Xildhibaan Raygal mar uu ka hadlaayey Ceel-afweyn ayaa yidhi “Labada Beelood ee wada dega Deegaanka Ceel-afweyn heshiiskii la dhex dhigay, waa la wada ogaa, markaas waxaan ku boorinayaa si aanay inkaar iyo ciqaab ALLE idinku dhicin heshiiskaas ha jabinina, oo nabadaas iyo walaaltinimadaas dhexdiina la dhex dhigay, colaad iyo dagala dambe oo aad soo celisaan ha ku bedelinina, cid kasta oo fidno dhexdiina ka abuuraysana iska qabta”.

Xildhibaan Raygal mar uu ka hadlaayey Xukuumadda ayaa yidhi “Xukuumadda waxaan ku boorinayaa inay mar walba sugid amaanka inay ku dadaasho, Xukuumadda waxaan kula talinayaa inay talaabo adag ka qaado cid kasta oo fidno abuuraysa,walibana waxaan si gaar ah ugu boorinayaa inay labada Beelood ee Gobolka Sool ku dagalaamay inay heshiis dhab ah dhex dhigto iyo in aan waxba la yeelin heshiiskii Ceel-afweyn, ee Gobolka Sanaag,Shacabkuna waa inay mar walba wanaaga iyo nabada ka shaqeeyaan”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here