Xukuumadda Somaliland Oo Siyaabo Kala Duwan Uga Hadashay Shirkad Maalgashi Oo Laga Sameeyay UAE

36
3874

Hargeysa(Geeska)-Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Sacad Cali Shirre Iyo Agaasimaha guud ee Wasaarrada Maal-gashiga Axmed Abokor ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay Shirkad Maal-gashi oo uu markii ugu horraysay ku dhawaaqay wakiilka Somaliland u fadhiya dalka UAE, taasoo ay tuhunno iyo darreeno taban ku abuurtay bulshadda Somaliland.
Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Sacad Cali Shire oo Warbaahinta la hadlay waxa uu sheegay in Shirkadda Somaliland “Somaliland Investment Company” ay tahay Shirkad ay leeddahay dawladda Somaliland, isla markaanna wax wayn ka tarraysa Caqabbadaha ku xeerran Maal-gashiga iyo Ictirraaf la’aanta.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Sacad Cali Shirre oo marka hore ka hadlaaya Shirkaddan Maal-gashi iyo waxyaabaha ay soo kordhinnayso waxa uu yidhi “Shirkaddan waxa la yidhaahdaa Somaliland Investment Company, waxay ku taallaa Xarunta shirkaddaha Maaliyadda ee “Dubai International Financial Center” Shirkaddaas waxa iska leh dawladda, shirkaddaasi waxay leeddahay guddi oo damcan Shirkaddaha marka la Diiwaan-gelinnaayo waxa la gudbiyaa magacyadda guddida, markaa labadda qof ee guddida ku jiraa waa aniga (Wasiirka Arrimaha dibadda), iyo Safiir Baashe Cawil.
Ujeeddada aannu shirkaddaas ka leennahay waa laba, innaga “Soomaalilaand” maaddaama aan la inna Ictirraafsannayn waxa aad iyo aad u adag in Waddankeena la Maal-gashaddo oo Lacag la keenno, markaa Shirkaddani waxay innaga caawinnaysaa in cidkastoo aynnu doonnayno in aynnu heshiis Maal-gashi la galno aynnu kula galno saaxad caalamiya ayay innoo suurto-gelinnaysaa. Waxa kale, oo ay innuu suurto-gelinnaysaa in Lacagta lagu Maal-gashannaayo ay Shirkadda soo marto oo ay siddaas ku timaaddo. Waxa kale, oo ay innoo suurto-gelinnaysaa in innaga laftigeennu haddii aynnu Maal-gashannayno way innuu suurto-gelinnaysaa, markaa Carqalladaha ku xeerran ama la xidhiidha Ictirraaf la’aanta ee Maal-gashigga ee Lacagta I maatinkeedda iyo saarristeedda ayay Shirkaddu innaga caawinnaysaa.” Ayuu yidhi Wasiir Sacad Cali Shirre Waxaannu intaas ku daray oo uu yidhi “Halka ugu horraysa ee ay innaga caawinnaysaa waa Shirkadda DPW iyo heshiisyadda aynnu la leennahay ee iskaashi, siddii aynnu u heli lahayn Maal aynnu ku balaadhinno Dekeddeenna, siddii aynnu u Xisaabtami lahayn, laakiin Shirkaddu waxay u Diiwaan-gashan tahay inay Maal-gashato meelo badan sida Beeraha, Korontadda iyo Warshaddaha, waxaas oo dhan, markaa runtii waa wax innoo soo biirray haddii aynnu nahay Somaliland oo wax wayn ka tarraaya Carqalladaha iyo Dhibaatooyinka ay Ictirraaf la’aantu innagu hayso oo u baahan inaynu xusno.”
Dhinaca kale, Agaasimaha guud ee Wasaarrada Maal-gashiga Axmed Abokor, ayaa sheegay inaannu wax-ba ka ogayn Shirkadda Maal-gashi ee uu shaaciyay Danjiraha Somaliland u fadhiya dalka UAE, waxaannu yidhi “Horta siddaa aad Warbaahinta ugu aragteen ayuun baan anigunna ugu arkay,Wasiirkaygii Wasaaradduna Mudane, Cawad waxa uu ku maqan yahay Dubai, markaa telefoonka oo aan xidhiidh kala sameeyay wuu Xidhnaa, waxaan is lahaa aad wax ka waydiisid arrintan. Anigu muddo gaabban ayaan Wasaarrada joogay oo Madaxweynuhu I soo magacaabay, markaa wax Xog ah oo aan arrintaas ka hayo ama Xafiiskayga yaallaa ma jirto. Muddadii aanu Wasiirka is aragnaynna wax uu ii sheegay ma jirto, laakiin arrintani waa mid u baahan in la daba-galo oo la waydiiyo cidda ay khusayso, Madaxda naga sarraysa iyo Madaxda Waraaqaha ku qoran.” Ayuu yidhi Agaasimaha guud ee Wasaarrada Maal-gashiga Axmed Abokor.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here