Xukuumadda Somaliland Oo Si Adag Uga Jawaabtay Eedda Maamulka Puntland

0
892

Picture6Hargeysa(Geeska)-Wasiirku xigeenka arimaha gudaha ee Maamulka Gobalada iyo Degmooyinka Cismaan Garaad Soofe, ayaa hadalo been abuur ah ku tilmaamay dhawaaqii dhawaan uu ku sheegay madaxweynaha Puntland in Somaliland taageerto Al-shaabta ay kula dagaalanto Galgala.

Cismaan Garaad Soofe waxa uu sheegay in arinkaas oo ay Somaliland u aragto gaf ayna kaga hadli doonaan wada hadalada soo socda ee Somaliland iyo Somaliya maadaama oo ay Puntland hoostagto Somaliya.

Waxaanu Cismaan Garaad Soofe sida ku sheegay shir jaraa’id oo uu warbaahinta kula hadlay, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay sidan“Warka uu baahiyay wasiirka amniga ee Puntland waa mid waxba kama jiraan ah, waa war been abuur badan ku dhex jiro oo gaf badan ka muuqdo, waxaanuna leenahay daris wanaag ayaa inaga dhexeeya in la xumeeyaana ma wanaagsana, anagu dhinacayaga waanu ku da’daalaynaa wax kasta oo isku dhac keeni karaaya inaanu ka digtoonaano, hasa ahaatee sida aad wax u wadaa maaha sidii uu darisku ahaan jiray ee waa daris xumo, hadaladaas aad sheegaysaana waa mid deel qaaf ah, arimaha aad ka hadlaysay ee ah inaanu kooxda Al-shabaab la saaxiib nahay  ama aanu meeshaas ku hayno waa arin aanay waxba ka jirin, taasina waa mid caalamka oo dhan laga ogyahay.arinta xuduudahana in badan ayaa laga hadlay xuduudu halkay tahay waa la yaqaanaa, Somaliland dhulkeedu intuu yahayna waa la ogyahay, waana wax caalami ah oo naloo garanaayo, wax laga noqonaayana maaha sidaas ay tahayna cid ka badalaysaa ma jirto, afkaaga iyo hadalkaagu toon ma badalayo. Dawlada Somaliya oo hada uu  noo dhaxeeyo wada hadal si wanaagsan u socda, wasiirkan gafafkaas uu na saarayo waxaanu kala hadlaynaa shirarka aanu isugu iman doono dawlada Somaliya, maadaama  oo maamulka Puntland uu yahay mid hoostaga iyada..”