Xukuumadda Somaliland Oo Sheegtay Inay Guddoontay Lacagta Ay Dawladda Soomaaliya Ugu Deeqday Dadka Ay Duufaantu Waxyeelaysay

41
3551

Hargeysa(Geeska)-Wasiirka arimaha dibada Somaliland Sacad Cali Shire ayaa sheegay inay Somaliland gudoontay lacagtii ay Soomaaliya ugu deeqday isla markaasna ay tahay lacagtaasi mid ay Somaliland iyo Somaliya isku lahaayeen maadaama oo ay Somaliland hore Soomaaliya ugu caawisay lacag ku dhow hal milyan oo dollar markii ay abaaraha ba’ani ku dhufteen.

Waxa uu wasiir Sacad sheegay in lacagtaas ay Somaliya ugu deeqday bulshadii duufaantu ay ku dhufatay in ay ku wareejin doonaan gudida taakulaynta, waxaana isaga oo u waramay shabakadda Hadhwanaag News, uu wasiirku yidhi  “Waanu soo dhawaynaynaa cid kasta oo wax inagala qabanaysa aafadii duufaankii ka dhacay bishan deegaanadeena khaasatan deegaanada Awdal, waanaynu isku lahayn oo inaad xasuusato mooyaane bishii tobanaad 2011-kii markii abaarta xumi ay ka dhacday Somaliya waynu u gurmanay oo waxaynu u gaynay lacag sagaal boqol oo kun oo doolar ah, waan soo dhawaynaynaa, waxaanse saxayaa uun labada gobal ee uu duufaanku taabtay maaha Waqooyi Galbeed iyo Awdal ee waxa ay taabatay laga soo bilaabo Sanaag,Saaxil iyo Awdal, lacagtaasna waxa lagu wareejinayaa guddiga aafooyinka.”

Dawladda Soomaaliya ayaa hal milyan oo dollar ugu deeqday dadka ay duufaanadu waxyeeleeyeen ee gobalada Somaliland.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here