Xukuumadda Somaliland Oo Sheegtay Inaanay Qaadanayn Lacag Uu Baanka Afrika Wasaaradda Qorshaynta U Soo Marinayo Dawladda Somaliya

0
540

Picture6Hargesa(Geeska)-Wasiirka qorshaynta qaranka Dr.Sacad Cali Shire  ayaa daboolka ka qaaday in aan Somaliland qaadanayn lacag soo martay gacanta dawlada fedaraalka ah ee Somaliya, isaga oo ka jawaabaya dhukumenti bangiga horumarinta Afrika uu ku sheegay in dhaqaale ay heshay dawlada fedaraalka ah ee Somaliya lagu maal galin doono wasaarada qorshaynta Jamhuuriyada Somaliland.

Waxa uu wasiirku sheegay in bangiga horumarinta Afrika ay ku hesiiyeen in ay dhaqaalaha ay ku taageerayaan Somaliland ay si toos ah u soo gaadhsiiyaan iyada oo aanay soo marinayn gacan dal kale. Waxa uu sidan ku sheegay wasiir Sacad Cali Shire war-saxaafadeed uu ka soo saaray xafiiskiisa oo nuqul ka mid ah uu soo gaadhay wargeyska Geeska Afrika, waxaanu war-saxaafadeedkaas oo dhamaystiran uu u dhignaa sidan.

“Annaga oo tixraacayna qodobka kowaad xayeysiis lasoo geliyey website-ka Bangiga harumarka Afrika (African Development Bank) eek u suntan taariikhda 7/3/2014ka, kaas oo leh “ waxay Dawladda Federaalka ee Somalia ka heshay Bangiga Harumarinta Afrika lacag taas oo lagu tayeynaayo xog ururinta Somaliland..’, waxaanu halkan ka cadaynaynaa in lacag gacanta Dawladda Federalka Somalia soo martay aanaan qaadanayn.

Mashruucan hadlkiisu wuxuu soo socdey muddo laba sannadood ah. Fahamkayagu wuxuu ahaa in Bangigu lacagta mashruuca ku baxaysa gacanta ku haynaayo, oo aanay gacan kale geleyn, khabiirada loo baahanyahayna kawada hawlgeleyno.

Waanu soo dhoweynaynaa taageerada Bangiga laakiin taageradaasi waa in aanay gacan wadan kale soo marin ee gacantiisa ka soo baxdo.”