Xukuumadda Somaliland Oo Loo Sameeyay Xeerka Nidaamka, Markii Uu Batay Khilaafka Masuuliyiintu

0
749

Picture6Hargeysa(Geeska)-Dawladda Somaliland ayaa diyaarisay xeerka nidaamka xukuumadda, kaas oo kala hagi doona awoodaha wasiirada, wasiir xigeenada iyo agaasimayaasha guud oo muddooyinkii u dambeeyay si weyn looga dareemo khilaaf salka ku haya awoodahooga dhinaca maamulka shaqada.

Wargeyska Geeska Afrika ayaa arkay xeer qabyo qoraal ah oo uu diyaariyay garyaqaanka guud ee qaranku, kaas oo ka kooban 127 qodob, waxaana si rasmi ah la filayaa inay u ansixiyaan golaha wasiiradu. Xeerkan ayaa sida ka muuqata wuxuu kala xadayn doonaa hawlaha iyo xilalka laamaha xukuumadda iyo isku xidhkooda, waxaanu ka bilaabayaa madaxweynaha iyo ku xigeenka oo iyaga awoodahoodu lagu cadeeyay distoorka qaranka.

Dhinaca wasiirada, wuxuu xeerku awoodaha wasiirka ku tilmaamay qodobo ay ka mid yihiin:

1. Ansixinta go’aamada guddiga anshaxmarinta saraakiisha iyo shaqaalaha wasaaradda si xeerka waafaqsan, taas oo ay ku jirto baadhitaankodu isagoo oo baadhitaanka u igman kara guddi ama sarkaal ka tirsan wasaaradda

2. Inuu u igman karo qayb ka mid ah xilkiisa saraakiisha ama hawlwadeenada hoos yimaada si xeerka waafaqsan

3. Iyadoo ay ka reebantahay soo saarista amaro xambaarsan ciqaabo haddaan xeer awood u siin, wuxuu soo saari karaa A) wareegto wasiir; oo ah qoraalo rasmi ah oo wasiiradu ku dhaqan gelinayaan siyaasadda xukuumadda islamarkaana lagu tayaynayo shaqada iyo xil gudashada

B) amaro wasiir: oo ah qoraal rasmiya oo si gaara loogu socodsiiyey cid gaar ah islamarkaana la xidhiidha arrin khaas ah.

4. Wasiirku wuxuu ku leeyahay hay’adaha, wakaaladaha iyo shirkadaha kormeer, taas oo ay hagayaan A) dhiirigelilnta iyo kor u qaadida la xidhiidha xilkooda, iyadoo la siinayo fursad intaan wasiirku isticmaalin awoodiisa

Awoodaha wasiirul dawlayaasha ayuu iyagana xeerku ka hadlayaa, waxaana ka mid ah awoodaha wasiirul dawlaha

Inuu ka madax noqdo waaxda ama qaybta wasiirku u xilsaaro ee muhiimka u ah isku xidhka arrimaha siyaasadda guud ee wada shaqaynta hay’adaha wasaaradaha iyo laamaha kale ee dawladda si waafaqsan hiigsashada qorshaha guud ee xukuumadda

Ka caawiyaan, kalana taliyaan wasiirka fulinta iyo meel marinta hawlaha wasaaradda iyo himilooyinkeeda

Inuu ka gacansiiyo wasiirka hawlkasta oo la xidhiidha hawlaha wasaarada si ay u muuqato in wasaaraddu cagta ku hayso himilooyinka horumarineed ee loo igmaday.

Inuu si ku meelgaadh ah u fuliyo xilka wasiirka marka uu maqanyahay ama gudan kari waayo xilkiisa ama jagadu banaanaato hadaan si kale xeer jidayn.

Awoodaha wasiir xigeenkada, waxa iyaganan sida xeerka uu Geeska Afrika arkay ka muuqata ka mid ah

Wasiir ku xigeenku wuxuu leeyahay xilka iyo waajibaadka wasiirul dawlaha marka aan wasaaradu lahayn wasiirul dawle

Ka caawinaya wasiirka hawlaha iyo shaqada wasaaradda

Qabtaa wixii uu u xilsaaro wasiirku

Ka madax noqon karaa qayb ama waax haddii wasiirku u igmado

Haddii aanay wasaaradu lahayn wasiirul dawle, wuxuu qabtaa xilka wasiirka marka uu wasiirku maqanyahay.

Xilka iyo waajibaadka agaasimayaasha guud, sida xeerka ka muuqata waxa ka mid ah

Fulinta barnaamijyada shaqo maalmeedka wasaaradiisa

Qiimaynta shaqada, shaqaalaha iyo madaxda waaxyaha

Xidhiidhka xarunta iyo gobalada

Diyaarinta xeerarka iyo xeer nidaamiyayaasha wasaaradda

Kor u qaadista sawirka ama muuqaalka hay’adiisa

Diyaarinta iyo isku dubaridka miisaaniyadda wasaaradiisa, isagoo la xidhiidhay agaasimayaasha waaxaha, saraakiisha gobalada/degmooyinka ee sar sare iyo dadweynaha wasaaradu u adeegto haddii ay lagama maarmaan noqoto

Kor joogtaynta iyo hubinta isu dheelitirka dakhliga iyo kharashaadka

Soo saarista xisaab xidh sannadeedka

Hawlgelinta iyo hagidda guddiada wasaaradiisa

Dejinta halbeega wax qabad iyo kala saraynta wax qabadka waaxyhaha si loo joogteeyo abaalmarinta shaqaalaha

Waxa muddooyinkan dambe si weyn u soo shaac baxay khilaafaad u dhexeeya wasiirada, agaasimayaasha guud iyo wasiir xigeenada, kuwaas oo sababay in dhawr agaasime guud ay xubno wasiiro ahi shaqada ka joojiyeen, ka dib markii ay isku maandhaafeen awoodda maamulka wasaaradaha ay masuulka ka yihiin, waxaana la filayaa in samaynta xeerkan ay khilaafyadani soo dedejiyeen. Laakiin xeerk ayaa weli ah mid qabyo ah oo aan la ansixin.