Xukuumadda Somaliland Oo Lix Urur Ka Mamnuucday Inay Wadanka Ka Hawlgalaan Iyo Eedaynta Loo Jeediyay Oo Ah Inay Sharciga Baalmareen

25
2797

Hargeysa(Geeska)-Wasaarada qorshynta qaranka iyo horumarinta ayaa shaqadii ka joojisay lix urur oo ka hawl gali jiray Somaliland, kuwaas oo ay fartay inay u hoogaan samaan ruqsad kala noqoshada dawlada shaqadana joojiyaan.

Waxaana ku saxeexnaa shaqo ka joojinta ururadan wasiir ku xigeenka wasaarada qorshaynta qaranka iyo horumarinta Eng. Xuseen Ibraahin Buuni, waxaanay qoraalka wasaarada ka soo baxay uu u dhignaa sidan “ Wasaarada qorshaynta iyo horumarka qaranka markii ay u cadaatay in ururada hoos ku qoran ay baal mareen, nidaamka sharciyeed ee u yaala ururada samafalka aan dawliga ahayn, waxay baadhitaan kadib ay go’aansatay in laga bilaabo maanta oo ah Arbaca kuna taariikhaysan 4 bisha todobaad sanadka 2018-ka ay ruqsadii ay ku hawl galayeen ay kala noqotay ururada hoos ku qoran, isla markaasna ay ka joojisay dhamaan shaqooyinkii ay dalka ka wadeen.

1-Somaliland Lifeline Organization

2-Jub Foundation

3-Active In Development Aid

4-Somali Relief Development Action

5-Agency for Peace And Development

6-Himilo Organization for Development

Wasaarada qorshaynta iyo horumarinta qaranku waxay ku wargalinaysaa dhamaan cid kasta oo ay qusayso inay sidaas ula socdaan,isla markaasna ay fuliyaan wareegtadan

-Wasaarada qorshaynta iyo horumarinta qaranku waxay faraysaa dhamaan ururada shaqada laga joojiyay, isla markaasna lagala noqday ruqsada inay fuliyaan amarkaas, joojiyaana dhamaan shaqooyinkii ay wadeen.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here