Xukuumadda Somaliland Oo Ku Dhawaaqday Xeer Saxaafadeed Cusub Oo Ay Warbaahinta Somaliland U Samaynayso Iyo Hanjabaadda Wasiirka Warfaafinta

27
2601

Hargeysa (Geeska)-Xukuumadda Somaliland ayaa ku dhawaaqday inay ku mashquulsantahay samaynta xeer saxaafadeed ay sheegtay in lagu dhiqi doono warbaahinta Somaliland.

Wasiirka warfaafinta Somaliland Cabdiraxmaan Guribarwaaqo oo isagoo dalka Ingiriiska  jooga la hadlay telefishanka dawladda, ayaa sheegay hadalo u muuqda hanjabaad uu saxaafadda hawada u marinayo. Wasiir Guribarwaaqo oo aan soo hadal qaadin haba yaraate xeerka saxaafadeed ee jira ee ay golahii hore ee wakiiladu ansixiyeen islamarkaana uu saxeexay madaxweynihii hore Daahir Rayaale Kaahin, wuxuu sheegay in xukuumadu bilowday xeer uu sheegay inuu qabanayo saxaafadda.

Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Guri-barwaaqo oo arintan ka hadlaya ayaa yidhi “Dad badani sida aanay ogeyn dalkeena burburkii kadib waxa hor sameeysmay  hay’adaha  isagoon xeer jirin, hay’adahaasi xeer kuma saleysna, hasa yeeshe iskood ayey u samaysmeen, wax inooga yaala ama Dawladda xeer qabanaayey oo u yaala ma jiro. Sidaas daraadeed 27 sanno oo xal wax lagu waday, waxa hadda la go’aansaday in la isku bedelo Dawlad xeerarkeeda leh, qof walba iyo cida ay doontaba ha ahaate waa in la hayo wax lagu qaadi karo oo qabanaya kana baqo ama uu ka dambeeyo.”

Wasiirka oo hadalkiisa sii wataa wuxuu idhi “Sidaasi daraadeed may jirin xeerka warfaafinta ee  lagu xakameeynayo qofka dambi gala, ama dawlad ha ku xadgudbayo, ama urur ha ku xad gudbaye lama hayo wixii lagu qaban lahaa.”

Wasiirku, wuxuu hadalkiisa ku soo kooban “Sidaas daraadeed hadda waxa bilaabmay oo aanu bilawnay in xeerkaas la dajiyo, xeerka wixii ka dambeeya wuxuu noqon doonaa xeer lagu dhaqmo, oo qof kasta qasab ku noqonaysa in aanu cidna ku xad gudbin ama dawlad ha ahaato ama qof ha ahaato, ama urur ha ahaato, kii xad gudbayna qabanaya, kiina waanu bilawnay, markaas muran dambe ma jirayo, nin dambe oo dagaal ooge noqonayaa ma jirayo, wargeys dambe oo dagaal ooge noqonayaa ma jirayo, wargeys ama idaacad qof caadiya ama madaxa ah ama urur reer Somaliland ah ku xad gudbi doona ma jiri doono, haddii xeerkaasi hirgalo.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here