Xukuumadda Somaliland Oo Ku Dhawaaqday Inay Qabatay Ninkii Dilay Taliyihii Booliska Degmada Xaaji Saalax

0
527

Picture6Hargeysa(Geeska)-Wasiirka arimaha gudaha Cali Maxamed Warancade, ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in ay gacanta ku dhigeen ninkii ku eedaysnaa inuu toogtay taliyahii booliska degmada Xaaji Saalax ee gobalka Daad-madheedh.

Waxa uu wasiirku u mahadnaqay dhamaan dhinacyadii ka qaybgalay qabashada ninkaas iyo qoyskii uu ka soo jeeday taliyahaas la toogtay oo uu ku amaanay inay gacanta dawlada ku kalsoonaadeen. Waxaanu sidan ku sheegay wasiir Warancade mar isaga oo warbaahinta ugu waramaayay magaaladda Hargeysa, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay sidan “Waxaan jecelahay inaan dadweynaha ugu bushaareeyo in gacanta lagu dhigay gacan ku dhiiglihii dilay taliyihii Xaaji Saalax,  kaas oo uu imika ku jiro gacanta dawlada, arintaas oo ah mid aad u qiimo badan aniga oo u mahad naqaya dhamaanba dadkii nagala shaqeeyey sidii aanu gacanta ugu dhigi lahayn gacan ku dhiiglahaas oo dilay sarkaal ciidanka Police-ka ah, waxaanan u mahad naqayaa salaadiintii qiimaha lahayd ee gacanta ka gaysatay in la soo qabto gacan ku dhiiglahaas, waxa kale oo aan u mahad naqayaa cuqaasha, ciidanka  Police-ka, bulshada deegaanka oo gacan ka gaystay, dawlada Ethiopia oo gacan balaadhan na siisay, waxa kale oo aan u mahad naqayaa reerkii uu ka soo jeeday marxuunka la dilay oo naga aqbalay inay ku kalsoonaadaan dawlada oo aanay haba yaraatee wax dhaq dhaqaaq ah oo aargoosi ah  samaynin, maantana aan u sheegayo in gacan ku dhiiglihii gacanta lagu hayo.”

Wasiir Warancade waxa uu intaas ku daray inay xaliyeen inta badan isku dhacyadii dhawaanahan ay ku hawlanaayeen“Hawl galadii aanu ku jirnay wasaarada arimaha gudaha iyo wasaarado kale oo na  wehelinayey waanu ku guulaysanay,  in shaqaaqooyinkii ka dhacay dhinaca bariga iyo hawdka dalka inay si wanagsan u dhamadeen oo ay dhamaantoodba meel fiican  oo nabad galyo aanu gaadhsiinay haday tahay kuwii bariga ee ka kala dhacay Ceeldhaab, Oog iyo Adhi Cadeeyo.”