Xukuumadda Somaliland Oo Ka Jawaabtay Eeddo Culus Oo Ammaanka Itoobiya Ah Oo Uu U Jeediyay Madaxweynaha Deegaanka Soomaalida

4
12198

Hargeysa(Geeska)-Xukuumadda Somaliland ayaa wax lala yaabo ku tilmaantay hadal dhawaan ka soo yeedhay Madaxweynaha Soomaalida Itoobiya Mustafe Muxumed Cagjar, oo sheegay in meelo ay Somaliland ka mid tahay laga soo abaabulayo qaraxyo laga fuliyo Itoobiya, isagoo sheegay inay abaabulayaan dad ka tirsanaa nidaamkii hore ee Itoobiya.

Eedda Mustafe Cagjar

Madaxweyne Mustafe Cagjar, ayaa isagoo eeddo u jeedinaya Somaliland wuxuu yidhi  “Qaar baa jira meelahan jaarka ah Somaliland,Puntland iyo Jubaland jooga oo iyaguna wali soo abaabulaya qaraxyo oo xidhiidh la sameeyay Al-shabaab oo iyagana laga war hayo markaas iyada oo la raacayo booliska adduunka sidii arintaas loo wajihi lahaa ayaanu ka shaqaynaynaa, marnaba ma dhacayso dadkii masaakiinta ahaa ee halkan joogay dadkii ciqaabayay in hantidii ay boobeen ay la tagaan dibada ay ku noolaadaan oo ay meelahaas ku haystaan wax dhici karaysa maaha.”

Jawaabta Somaliland

Hase yeeshee Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Md. Yaasiin Xaaji Maxamuud Faratoon, ayaa isagoo jooga magaalada Nayrobi ee dalka Kenya wuxuu waxba kama jiraan ku tilmaamay eeddaas. Waxaana Wasiirka oo u waramay telifishanka Bulsho uu yidhi  “Somaliland caalamka oo dhami waa uu u war hayaa oo waa la’la socdaa xaaladeeda meel ay argagixiso ka jirto maaha cida ugu weyn ee la dagaalantay ee ka saartay dalkeeda ee 27 sanadood maalin ayay wax ka dhaceen inta la og yahay caalamkuna waa uu la socdaa markaas qofkii arimahaas ka hadlaa waa qof ujeedo kale leh ama ay si kale ka noqotay.

Markaas arintaasi khalad u dhacdayaa iyo badheedh u dhacdayaaba waxaanu u aragnaa inay tahay arin aan meesha ku jirin oo khaldan.”

Wasiirka oo la waydiiyay inay arintaas caalamka kala hadleen arrintan waxa uu yidhi“Aritaas dawladu waa ay ka hadashay, waraaqo iyo si kaleba waa laga wada hadlay”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here