Xukuumadda Somaliland Oo Ka Hadashay Shaqaalihii Madaxtooyada Ee La Eryay

29
3657

Hargeysa (Geeska)-Xukuumadda Somaliland ayaa ka hadashay shaqaale ka tirsanaa madaxtooyada Somaliland oo tiradooda lagu sheegay 97 ruux oo shaqada laga eryay, kuwaas oo ay sheegtay xukuumadu inaanay ahayn shaqaale rasmi ah.

Wasiirka Shaqada Iyo Arrimaha Bulshada Hinda Jaamac Xirsi (Hinda Gaane), oo shalay warbaahintu wax ka weydiisay shaqaalahan la eryay ayaa tidhi  “Xukuumad ahaan sida uu nagu hoggaaminayo Madaxweynaha qaranka Muddane Muuse Biixi Cabdi, waxa ka go’an Xukuumaddaydan in aanu Dhalinyarada u sameeyno shaqo abuur, qaab kasta oo aanu u mari karnana aanu u marno, run ahaantii xeerka shaqada iyo shaqaaluhu ee Hay’adda Shaqaaluhu wax buu qorayaa, ku meel gaadh gabi ahaanba wax la yidhaahdo kuma jirto, waxaan odhan karayaa dadkaasi waxay iskugu jireen laba nooc, labadaas nooc oo nooc ahaa soo dhaweeynta in dhalinyarada loo abuuro fursado, ama la dhiirigeliyo iyo nooc jeclaysi Madaxtooyada ah oo Wasaaraddo kale bedel ka soo qaaday, qolyaha bedelka ku yimidna waxaan leeyahay calafsada Wasaaraddihiini, kuli Wasaaradda waa la wada qurxinayaa, insha allaah, kuwa ku meel gaadhka ahna waxaan leeyahay waxa loo mari doonaa sifo sharciga waafaqsan, Hay’adda Shaqaalaha ayaana taas ka jawaabideeda masuul ka ah iyo qaabka loo maamuli doono”

Geesta kale Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Xisbiga UCID Cabdinaasir Muxumed Xasan Buuni iyo Guddoomiyaha Golaha dhexe ee Xisbiga Waddani Cismaan Afgaab Nuur, ayaa ka digay in shaqo dhimis lagu sameeyo Shaqaalaha Dawladda, xilli ay soo baxayaan in la dhimay Shaqaale ka tirsanaa Madaxtooyada oo aan ku jirin nidaamka shaqo ee qaranka balse ku meelgaadh ahaa, halka Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Qoysku ay iyana ka jawaabtay arintan oo ay sheegtay in aan la qofna shaqo laga eriyeen, balse loo marayo sifo sharciya.

Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Xisbiga UCID Cabdinaasir Muxumed Xasan Buuni iyo Guddoomiyaha Golaha dhexe ee Xisbiga Waddani Cismaan Afgaab Nuur, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Xisbiga UCID Cabdinaasir Muxumed Xasan Buuni yidhi Meel kasta oo la joogo qofka Somaliland u dhashay wuxuu xaq u leenahay inuu shaqo helo, meel kasta oo ay masuuliyiinta Qaranku joogaana waa in sinaan iyo cadaalad ka sameeyaan ayaa wanaagsan, oo aan shaqaalaha loo eegin habayb, reernimo, qabiil, saaxibtinimo, yaa xisbi ahaa, ayaa olole soo galay, laakiin waxa haboon in loo eego, xuquuqdu uu muwaadinku leeyahay, oo ah inuu shaqo helo, isagana waxa xaq loogu leeyahay inuu shaqada qaranka uu waajibkiisa u guto, mar haddii Wasaaraddii Madaxtooyadu meesha ka baxday, Shaqaalihii Wasaaradda Madaxtooyadu meesha ma sii joogi karaan, ee waxaan soo jeedin lahaa Shaqalahaas yaan la eryin oo cidla lagu ridin, ee Wasaaraddaha kala ha lagu meelayo, oo ha laga geeyo”.

Guddoomiyaha Golaha dhexe ee Xisbiga Waddani Cismaan Afgaab Nuur, oo isna arintan ka hadlaya ayaa yidhi “In maanta shaqaalaha la dhimaa waa dhibaato weyn, waxa la filaayey inay Xukuumaddani shaqo abuur sameeyso, laakiin laama filayn inay shaqaale dhimaan, laakiin haddii shaqaale la dhimo qorshe xumada Xisbiga Kulmiye ayey ku tusaysaa, haddii ay dhacdo in shaqale dhimis la sameeyo, ololihii Xisbiga Kulmiye ku jiray ee ahaa inay shaqo abuur sameeynayo iyo wax baanu hagaajinaynaa, waxba kama jiraan ayey noqonaysaa, oo kumaankii Dhalinyarada ahaa ee bilaa shaqada ahaa, in lagu daro kumaan kale oo Dhalinyaro ah oo la shaqo tiro,haddii ay dhacdo waa Siyaasad xumada Kulmiye, waana waxaanu ka digaynay, ee Xisbiga Waddani ka digaayey, Shaqaalaha oo la dhimo, Sicir bararka oo xadka ka baxa, xaalad adag oo dalka la galiyey, waxaas oo is barkana waa wax khatar ina galinayaa, Dhalinyaraduna inay tahriibaan ayey noqonaysaa”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here