Xukuumadda Somaliland Oo Dalka Ka Masaafurisay Laba Qof Oo Ajaanib Ah Oo U Shaqaynayay DDG & DRC Iyo Dalalka Ay U Kala Dhasheen

0
596

Hargeysa (Geeska)- Xukuumadda Somaliland ayaa masaafurisay laba sarkaal oo ka tirsan hay'adaha DRC iyo DDG ee arrimaha gargaarka u qaabilsan dalka Denmark, ka dib markii ay ku kaceen falal liddi ku ah diinta Islaamka.

Wasiirka Qorshaynta Maxamed Ibraahim (Qabo) ayaa warbaahinta u sheegay in labada mas’uul ee la masaafuriyay mid ka mid ahi uu qof shaqaalaha ka mid ah ka horjoogsaday inuu tukado, halka ka kalena uu wax ka sheegay Eedaanka masaajidyada.

Labadan qof ayaanu wasiirku sheegin dalalka ay u kala dhasheen, waxaana magacyadooda lagu kala sheegay David iyo Nkloy. Sida uu Geeska Afrika ku ogaaday xog raadis uu sameeyay Mr. David ayaa dhalasho ahaan ka soo jeeda dalka Maraykanka, halka haweenayad Nkloy ay u dhalatay dalka Faransiiska balse ay haysato dhalasho Ingiriis ah. “Sida aad la socoteen kiiskii baryahan warbaahintu iga sugaysay, ee DRC Hay’adda la yidhaahdo, shaqaalaha u shaqeeya ee Caalamiga ah iyo Shaqaalaheena guddaha oo muddaba soo socday, oo soo jiitamayey go’aankiisi, go’aankaas oo aanu in badan iskaga nimid, oo halkan  shirar badan  ku qabanay, baadhitaan dheer aanu ku sameeynay, ayaanu maanta (shalay), idin sheegaynaa go’aankii. Waxa laga cabaanayey laba qof oo shaqaale caalami ah, nin la yidhaah David iyo gabadh la yidhaah Nikloy  oo la sheegayo in diinteena suuban wax ka sheegeen labadooduba, gabadhu darawalkeedii isagoo salaada ku jira ayay hadiday, iyadoo Madaarka ka soo degtay, salaadii duhur iyo ninka kale ee David la yidhaahdo oo  eedaan baxaya hadal aan wanaagsanayn laga sheegayey labadaaba, marka aanu  arinta ogaanay, waxaanu go’aan ku qaadanayn in la masaafuriyo  oo laga kaxeeyo Wadanka, waanu ka saarnay wadanka, waxaanu u mahadnaqaynaa Hay’adda DRC, oo go’aanka nala qaadatay oo shaqadii ka joojiyey, labada qof, ninka iyo gabadha, labadasiba imika  shaqadiina kuma jiraan wadankana ma joogaan,”.

Labadan hay’adood ee DRC iyo DDG oo hadda midoobay ayaan wax war ah ka soo saarin go’aankan xukuumadda Somaliland.