Xukuumadda Somaliland Oo Albaabada U Xidhay Wargeyska Haatuf, Jawaabta Yuusuf Cabdi Gaboobe Iyo Ururka SOLJA Oo Si Kulul U Cambareeyay

0
629

Picture8

Hargeysa(Geeska)-Xukuumadda Somaliland ayaa shalay albaabada u xidhay Warbaahinta Haatuf Media Network oo soo saarta wargeyska maalinlaha ah ee Haatuf iyo toddobaadlaha Ingiriisida ku soo baxa ee Somalilandtimes, waxaana xaruntii wargeyska la wareegay ciidamo Boolis ah oo tiro badan. Haatuf, waxa guddoomiye ka ah islamarkaana mulkiyadiisa leh Yuusuf Cabdi Gaboobe, oo ah saxafi ruug-cadaa ah.

Ciidamada Booliska ah oo uu hoggaaminayay sarkaal ka tirsan qaybta booliska ee galbeedka caasimadda Hargeysa, ayaa hawlwadeenada Wargeyska oo shaqadooda ku gudo jiray wuxuu ku amray inay xarunta ka dareeraan, waxaanu tusay warqad uu soo saaray garsoore ka tirsan maxkamadda gobalka Hargeysa.

Ma jirto wax faahfaahin ah oo ay xukuumaddu ka soo saartay xayiraadda warbaahinta Haatuf, waxase la ogyahay in Wargeysku muddooyinkii u dambeeyay uu baahinayay warbixino musuqmaasuq oo uu ku eedeeyay inuu lugaha kula jiro Wasiirka macdanta iyo tamarta Md. Xuseen Cabdi Ducaale, kuwaas oo uu warbixintii u dambaysay qoray cadadkiisii u dambeeyay ee Isniintii shalay. Haatuf waxa kale oo uu warbixino ka qoray Mr. Baashe Cawil oo ah wiil uu Madaxweyne Siilaanyo soddog u yahay.

Guddoomiyaha Haatuf Yuusuf Cabdi Gaboobe, oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in xayiraadda Wargeysku ka dhalatay qormooyin musuqmaasuq oo la baahiyay. “Waxay ku lug leedahay maqaalo uu wargeyska Haatuf qorayay ayaamihii u dambeeyay oo ku saabsanaa musuqmaasuqa hadheeyay maamulka Axmed Siilaanyo iyo xukuumadiisa, waana nasiib darro; dhawr ayaamood maqaalo ah ayay xejin waayeen, xayiraada Wargeyska  iyo haddii ay doonaan xadhiga iyo waxaasi maaha wax naga horjoogsan kara mihnadayada, magaalada Hargeysa ama Somaliland guud ahaan toddobaadkan wararkii ay Haatuf iyo Somaliland times   soo qorayeen dadka ayaa aad ula yaabay oo dareen culus ayaa ka yimid oo ay dadku ku baraarugeen musuqmaasuqa ilaa xadkaasa ee ka dhex jira dawladda iyo sida aanay ciddiba wax uga qabanayn iyo dadkan aan awooda lahayn ee ku tagri falaya xukunka ama xukuumadda.” Sidaas waxa yidhi Yuusuf Cabdi Gaboobe.

Haatuf, wuxuu noqonayaa wargeyskii labaad ee ka soo magaalada Hargeysa ee ay xukuumadda Somaliland xidho, waxaana ka horeeyay Wargeyska Hubaal oo isna muddo dhawr bilood ah u xayiran xukuumadda Somaliland. Ururka saxaafadda Somaliland ee SOLJA, ayaa si kulul u cambaareeyay xayiraada Wargeyska Haatuf, warsaxaafadeed uu soo saaray guddoomiyaha ururka SOLJA Xasan Maxamed Yuusuf, ayaa wuxuu u qornaa sidan, “Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee (SOLJA) wuxuu si adag u cambaaraynayaa falka foosha xun ee xukumadu kula kacday islamarkaana kula wareegtay guudahaan xaruntii wargayska madaxa bannaan ee HAATUF iyo SOMALILAND TIMES. Waxa muuqanaysa in xukuumaddani caadaysatay wax aan dalka hore uga jiri jirin oo waliba soo noqnoqonaya, taas oo ah in ka

badan laba urur oo ciidana dulgayso xarumaha warbaahinta iyadoo sharciga waddanka u  yaalla ku tumanaysa, tusaale cadna  waxa u noqonaysa falkii HCTV iyo kii HUBAAL iyo kan hadda kula kacday HAATUF MEDIA GROUP kuwaasoo ay dhammaanba kula wareegtay xarumahoodii.

Waxaa halkaa ka muuqanaysa in fallalkani yihiin qorshayaal ku talagal ah oo ay xukumaddu go’aansatay inay kula dhaqanto saxaafadda iyo xorriyatul qawlka,

Sidaa darted waxaannu xukuumadda u sheegaynaa in aanu si adag uga soo hor jeedno dhaqankan cabudhinta iyo xoog sheegashada ah ee ay saxaafadda kula kacayso,  oo ay ka fikirto saamaynta ay arrimaha noocan ahi ku yeelan karaan dalka iyo dadkaba,

Muslin kuma cabiidsamo Walloon madaxa kaa goyne

 Muggii weel ma dhaafee allow mooska yaan jabinin

Xukuumadda waxaan usoo jeedinayaa dariiqan ay qaadday inuu yahay mid cawaaqib oo aan cidna u fiicnayn, sidaa awgeed waxaannu kula talinaynaa inay ka noqoto arrinta oo ay dalka sharciga ku hagto.”

 

Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ayaa noqotay xukuumadii u horaysay ee sida warbixino ay SOLJA baahisay ku cad, xabsiyada ku gurta saxafiyiintii ugu tirada badnayd, waxaanay sidoo kale noqonaysaa xukuumadii u horaysay ee xayiraad saartay wargeysyo baahiya qormooyin musuq-maasuq oo ka dhan ah masuuliyiin xukuumadda ka tirsan. Waxaanay tallaabooyinka noocan ahi calaamo su’aal saari doonaan xorriyatal qawlkii ka jiray Somaliland oo uu distoorka dalku damaanad qaaday.