Xukuumadda Oo Xabsiga Dhigtay Nin Suldaanimo Hore Loogu Caleemo Saaray

0
514

Hargeysa(Geeska)-Hay’adaha  ammaanka Somaliland ayaa habeenimadii Axadii xabsiga u taxaabay Suldaan Maxamed Axmed Suldaan Cabdiraxmaan oo kal hore Hargeysa lagu caleemo saaray.

Ma jiro wax war ah oo ay xukuumadu ka soo saartay xadhiga Maxamed, laakiin waxa la sheegay in xadhigiisu yimid ka dib markii uu ka soo laabtay safar uu toddobaadkan ku tagay magaalada Burco ee xarunta gobalka Togdheer.

Suldaan Maxamed, ayaa la caleemo saaray ka dib markii ay xukuumadda iyo xisbiga KULMIYE isku dhaceen Suldaan Xasan Suldaan Cabdillaahi Suldaan Cabdiraxmaan oo ah suldaanka guud ee Subeer Awal.