Xukuumadda Oo Si Rasmi Ah U Baahisay Go’Xukuumadda Oo Si Rasmi Ah U Baahisay Go’aamo Ay Ka Soo Saartay Sicir Bararka Iyo Qiime Dhaca Lacagtaaamo Ay Ka Soo Saartay Sicir Bararka Iyo Qiime Dhaca Lacagta

50
4132

Hargeysa(Geeska)-Gudidii madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu u saaray qiimo dhaca shilinka Somaliland ku yimid iyo kor u qaadistiisa ayaa si rasmi ah u soo saaray lix qodob oo ay sheegeen inay ku soo gunaanadeen hoos u dhaca ku yimi shilinka Somaliland.

Gudidan ayaa soo saaray in adeegyada Zaad iyo Edahab aan lagu adeegsan karin wax ka yar 100 dolar, in cashuurta lagu kordhiyo jaadka iyo waxyaabaha caafimaadka dhibta u leh iyo sida oo kale in la’gala noqday shirkado waaweyn ee sarifka ka shaqayn jiray qabashada shaqadaasi.

Gudidu waxa ay sheegtay in shirkadaha waaweyn ee arintan ay saamaynayso ay isla qaateen inay go’aamadan ku dhaqan galiyaan muddo 45 cisho ah.

Wasiir ku xigeenka maaliyada Maxamed Daahir ayaa soo bandhigay lixdan qodob oo kala ah:

“1-In dawlada dhexe yeelato hal xisaab oo lagu shubo dakhliga dawlada ama shilin ha noqdo ama doolar ha noqdo ama pound, sida uu dhigaayo nidaamka maamul wanaaga iyo isla xisaabtanka.

2-In cashuurta jaadka iyo waxyaabaha dhibta u leh caafimaadka iyo dhaqaalahaba la kordhiyo.

3-In la joojiyo in macaamiishu isku dirto wax ka yar boqol doolar, marka laga hadlaayo Zaad iyo Edahab, waxa la xanibay xisaabta u dhaxaysa 0 – 99.

-qodobadani waxay saamaynayaan habraaca gaaban ee Zaadka ee 880 ee dirista macaamiisha dhexdooda  iyo 883 wax ku iibsiga maheradaha.

-qodobadani waxay saamaynayaan habraaca gaaban ee Edahab 110 ee dirista lacagta macaamiisha dhexdooda iyo 113 ee maheradaha iyo 111-ka.

-Go’aankani ma saamayn doono dhamaan adeegyada kale ee Zaadka iyo Edahab-ka, ku shubashada lacagta iyo inuu qof xisaabtiisa baanka u wareejisto ama uu goob adeeg lacagii Zaad ama Edahab uu kala baxo.

4-Waxaana shirkadaha Telesom iyo Somtel ee leh adeegyadin ay ku fulinayaan  muddo 45 casho gudahood ah oo ka bilaabmaysa 28-01-2018-ka.

5-In shirkadaha Telesom,Dahabshiil iyo shirkada Oomaar ay joojiyaan ka ganacsiga isku badalka lacagaha ( Sarifka)

6-Si kor loogu qaado ka ganacsiga shilinka Somaliland waa in shirkadaha Telesom iyo Dahabshiil Zaad iyo Edahab ay lacag ku shubashada iyo ku kaydsiga shilinka Somaliland ay ka dhigaan mid aan xad lahayn.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here