Xukuumadda Oo Sheegtay In Abaaraha Dartood Loo Joojiyay Dabaaldegyadii 18 May Ee Sannadkan

0
542

Hargeysa(Geeska)-Xukuumadda Somaliland ayaa joojisay dabaal-degyadii sannadkan 2017 ee  maalinta qaranimada Somaliland ee 18 May, waxaanay sababta ku sheegtay abaaraha daran ee dalka ka jira oo ay soo jeedisay in dhaqaalihii dabaal-dega loogu gurmado dadkaas.

Wasiirka warfaafinta Somaliland Cismaan Cabdillaahi Saxardiid ayaa shalay Hargeysa ka sheegay in la joojiyay dabaal-degii sannadka waxaanu yidhi “Waxaa innagu soo fool leh xuskii munaasibadda 18-ka Mnay, waxaannu go’aamiyay madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland,  Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) in 18-ka May dabaal-degeedii aynu sannad walba samayn jirnay 25-kii sannadood ee la soo dhaafay in aanu sannadkan  sidii hore u dhici doonin. In  qaranka Jamhuuriyadda Somaliland gobol iyo degmaba  in lacagtii lagu dabaal-degi jiray loo bedalo gurmadka abaaraha.”

Wuxuu intaas raaciyay “Waxaa la go’aamiyay in shacabka Somaliland haddii qurbajooga tahayba guud ahaanba ummadda reer Somaliland meel kastoo ay joogaanba inay sannadkan guntiga dhiisha iskaga dhigaan, oo ay si adag uga fikiraan sidii aynu gurmadka abaaraha uga qaybqaadan lahayn oo wax kastoo dabaal-degaasi ah aynu u bedalo qaadhaan ururin aynu  dadkeenna abaaruhu soo baro kiciyeen in aynu la wadaagno.”

Wasiirku wuxuu hadalkiisa ku daray  “Dad badan ayaa jira oo ay xoolihii ka baxeen,  haddii ay xoolo iibis tahay oo aynu dadkaasi dib u xoolaynayno iyo haddii ay tahay sidii loo daryeeli lahaa intaba, Madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo, waxa uu go’aamiyay  isagoo dawladiisana ku amraya shacabka reer Somalilandna u sheegaya ilaa maalintii dalkani xoriyadiisa dib u soo qaatay in aynu nahay ummad isku tashata, isku tashigaasi aynu isku tashanayno  ayuun bay tanina ka mid tahay, oo aynu dadkeenna ay abaaruhu saameeyeen u gurmaynayno. Haddii ay xaflado tahay, xafladahaasi waxaa loo bedelayaa qaadhaan ururin ummada lagu taageerayo wixii ay dawladu ku qaban jirtay xafladaha xuska 18-ka May-na waxaa loo bedelay  qaadhaan ururin,”ayuu yidhi Wasiir Caddaani.