Xukuumadda Oo Maanta Masaafurinaysa Wefti Ka Socday Jaamacadaha Muqdisho Iyo Faysal Cali Waraabe Oo Xukuumadda Ku Cambaareeyay Talaabadan Ay Qaaday

0
443

Hargeysa(Geeska)-Xukuumadda Somaliland ayaa maanta dalka ka saaraysa 11 xubnood oo ka socday jaamacadaha Muqdisho, kuwaas oo Burco kaga qayb galayay shirka Midowga Jaamacadaha Somaliland iyo Somaliya oo uu soo qaban qaabiyay ururka Jaamacadaha Carabta.

Xukuumadda Somaliland ayaa joojisay inay shirkaas ka qayb galaan xubnaha ka socday jaamacadaha Muqdisho ee dalka Somaliya, waxaanu wasiirka waxbarashada Md. Cabdillaahi Ibraahim Habane uu sheegay in dadkaas ka socday jaamacadaha Muqdisho maanta oo khamiis  ah laga masaafurinayo Somaliland. Kulankan oo ahaa kulankii labaad ee jaamacadaha Somaliland iyo Somaliya ugu qabsooma Somaliland, ayaa wuxuu wasiirka waxbarashadu ku tilmaamay inay talaabadan qaadeen ka dib markii ay dawladda Farmaajo bilowday daandaansi iyo colaad hor leh.

Wasiir Cabdillaahi ayaa yidhi “Sanadkana markii labad ee la qabanayay ayay ahayd oo jaamacada Burco ayaa lagu qabanayay, hase ahaatee nimankii intan dawladda farmaajo timid dardar iyo cadaawad hor leh ayay la timid, magaca Soomaalidu wuu inaga dhexeeyaa laakiin isma haysano ismana matalno.” ayuu yidhi Wasiirka oo u waramay telefishanka Saab, waxaanu intaas raaciyay “Caalamku gabadh yar oo 18 jir ah ayuu yidhi waad madaxbanaantay, umad dhan ayuu leeyahay ma madaxbanaanaan kartaan,markaas way ku dacwoodeen oo xaasidnimo dheeraad ah ayay la yimaadeen, sidaas ayaa markaas lagu joojinayaa, kuweena siminaarkaas waa loo wadayaa iyagase waanu dhoofinaynaa. Waa 11 ka socday jaamacadaha, beri [maanta] ayay dhoofayaan, kuweenana waa loo wadayaa. Arab association hadday doonayaan hawgu tagaan Muqdisho.”

Axmed Muuse Ismaaciil, madaxa xidhiidhka dadweynaha ee jaamacadda Burco, oo isna saxaafadda la hadlay ayaa sheegay inay la yaabeen talaabadan xukuumadda “Jaamacadahaas kumay jirin siyaasad iyo wax kale, waxaana laga hadlayay oo keliya sidii tayada waxbarashada kor loogu qaadi lahaa, waxaanay jaamacadda Burco martigelisay shirkaas, wasaaradda waxbarashada ayaana ogolaanshaha iyo casuumadaha jaamacadaha bixisay.” ayuu yidhi masuulkan u hadlay jaamacadda Burco.

Guddoomiyaha iyo murashaxa xisbiga UCID Md. Faysal Cali Waraabe, ayaa isna xukuumadda Somaliland ku cambaareeyay talaabadan ay qaaday, waxaanu guddoomiyuhu ka tacsiyeeyay shirkaas masuuliyiin ka tirsanaa jaamacadaha dalka Somaliya oo shirka inay ka qaybgalaan laga hori istaagay, waxaana isaga oo la hadlaayay tilifishanka Saab uu yidhi "Farxad ayay ahayd oo waxaan halkan u imi inaan ka jeediyo kulankan caalamka islaamka ah khudbad, waxaan kala kulmay wax aanan filaynba oo madaxdii ka timi jaamacadaha Somaliya la yidhi kama qaybgali kartaan arintaas reer Burco iyo iyagaba waan ka tacsiyaynayaa, Burco waxay u baahnayd in kor loo soo qaado kulankanina waxa uu ahaa mid cilmiyeed wax siyaasad ahna maaha, cilimiga iyo siyaasadana waa in la kala saaraa Yuhuuda iyo Falastiniyiinta ayaa isku talaaba oo shirarka cilmiga ah ka wada qaybgala, arintani waa mid nasiibdaro ah nimankuna seediyaashay ayay ahaayeen oo waan ka tacsiyaynayaa, Dawlada Somalilnad  ee Kulmiye ka madaxda  yahay timahoodu gees uma wada feedhmaan."