Xukuumadda Oo Joojisay Dhisme Laga Dhisayo Duleedka Madaarka Cigaal Oo Ay Xukuumadii Hore Bixisay

0
1335

Hargeysa(Geeska)-Xukuumadda Somaliland ayaa joojisay dhismaha hoteel ka socda xayndaabka madaarka Cigaal ee magaalada Hargeysa.

Madaxweynihii hore Axmed-Siilaanyo, ayaa hore u bixiyay dhulkan oo siiyay muwaadin reer Somaliland ah oo hadda dhismihiisa bilaabay, laakiin wasaaradda hawlaha guud ayaa toddobaadkan joojisay dhismahaas, waxaanay warar soo baxay sheegayaan in dhismaha lagu joojiyay amar Madaxweyne.

Ma jiro wax war ah oo ay xukuumadda iyo ganacsadaha hoteelka dhisanayaa  ka soo saareen joojinta dhismaha hoteelkan, laakiin waxa dhismihii la wareegay ciidamo, waxaana gebi ahaanba la joojiyay shaqadii kala duwanayd ee ka socotay goobtaas.

Xukuumadda ayaa hore u xaqiijisay inay joojisay dhismaha ku socda hoteelkii caanka ahaa ee Hargeysa Club oo isna la siiyay nin muwaadin ah, iyadoo xukuumadu toddobaad ka hor la soo noqotay hoygii taariikhiga ahaa ee khayriyada Hargeysa oo isna laga kireeyay nin muwaadin ah oo ka furtay hudheel cunto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here