Xukuumadda Oo Daboolka Ka Qaaday Inay Lacag Dollar Ah Suuqa Ku Sii Daynayso

0
560

Hargeysa(Geeska)-Wasiirka maaliyada Samsam Cabdi Aadan iyo Guddoomiyaha baanka dhaxe ee Somaliland Maxamed Cabdi Ibraahin ayaa si wada ji ah daboolka uga qaaday inay lacag doolar ah suuqa sarifka ku soo dayn doonaan.

Waxa sida oo kale xukuumada Somaliland ay ku hanjabtay in ay raashinka dalka iyadu soo dajin doono haddii aanay ganacsatadu jabin qiimaha maceeshada ay ku iibiyaan. Masuuliyiintan ayaa sidan ku sheegay shir jaraa'id oo wada jir ay ugu qabteen magaalada Hargeysa.

Wasiirka maaliyada Samsam Cabdi Aadan oo ugu horayntii warbaahinta la hadashay ayaa waxa ay tidhi"Ganacsatada waanu ognahay in aanay waxba soo iibsan karin ilaa ay doolar helaan, inay wax kasta oo ay Somaliland keenayaan ay ku soo iibsanayaan doolar hadana mar mar ayaa tudhaale la sameeyaa imika oo abaari ina hayso, shuban biyood inagu dhacay oo xoolii laynaga joojiyay dhibaatadaas oo dhami ay dhacday waxay ahayd in raashinka la jabiyo oo macaashka ay ka macaashayaan uu yaraado, may dhicin ee umaddi masaakiinta ahayd aad ayay u dhibaataysantahay, magaalooyinka qaar ayaan daba la shidan markaas ma kuwii miyiga ee meelo kale u qaxay ayaan u gurmanaa mise kuwii magaalada ku dhibaataysanaa mise qofkii shaqo tagayay ee hadana lacagtii uu soo qaatay aanay waxba u goynayn, maanta ilaa bari waxa la galinayaa suuqa lacag xoog leh oo qorshihii hore ka duwan, lacag aad naga qaadanaysaan oo aad urursanaysaan oo aad dib u diraysaan ma shaqaynayso, waxa la doonayaa in lacagtaasi ay umadda wax ka jabiso oo ay wax tarto."

Wasiir Samsam oo hadalkeeda sii wadataa waxay tidhi"Hadii la yidhaahdo waa sidoodii ee aynu ka urursano ma shaqaynayso ee waxa shaqaynaysa in raashinkii umadda ay dawladu keento oo dawlada ayaa keenaysa oo sicir jaban umadda kaga gadaysa, waxa la soo celinayaa wakaaladii ganacsiga umadda, laakiin ma doonayno oo waxaanu diidanahay in ganacsatadeenaas dalka inala dhistay aan lagula tartamin oo aanay dawladii noqon mid wax walba keenaysa ee loo ogalaado inay waxii ka faa'idaan, laakiin hadii tudhaale la waayo runtii taasi way iman doontaa. Waxaan leeyahay way hawlyartahay in laba markab oo raashin ah la keeno imika la iibiyo oo dadka lacag yar lagaga iibiyo dabadeedna iyada oo aan macaash la saarin markiiba la soo celiyo, laakiin ganacsatadii dalka soo dhistay ma doonayno in heerkaas laysla gaadho, waxaanu doonaynaa in laysu tudho oo anaga iyo shirkadaha nala shaqeeya ee Telesom,Dahabshiil iyo Somcable waxaanu doonaynaa in wada shaqayntaasi ay midho dhasho oo wax macquul ah uu suuqu noqdo."

Maxamed Cabdi Ibraahin guddoomiyaha baanka dhaxe ee Somaliland ayaa isaguna dhankiisa waxa uu sheegay"Suuqa sarifka ayaanu baritoole (Maanta) lacag fiicaan galin doono midhihiisana waxaanu jecelnahay in dadka danyarta ah ay si dhakhso ah u dareemaan, in shilinkoodu uu qiimo soo yeesho oo talaabooyin badan oo uu qiimo ku yeelan lahaana waa aanu soo wadnaa oo runtii inuu la tartamo lacagaha suuqyada kale ee fudud. Waxaanu u sheegaynaa ganacsatada inay dadkooda u naxariistaan oo ay qiimaha ka jabiyaan waayo waxaynu nahay dal waxa soo galaaba uu doolar u baahan yahay, adhiga oo aynu dhoofino mooyaane doolarku meel uu inaga soo galaaba ma jirto, sidaas daraadeed waxaynu la kacaa kufaynaa doolarkaas badan ee gudaheena ah ee ka badan shilinkeena, waxaanu shacabiga u soo jeedinaynaa inay shilinkooda qiimeeyaan waayo waa astaanta qaranka . waxaanu ka digaynaa in shilinkeena aynu cidhiidhi galino."

Talaabooyinkan ay xukuumadu sheegtay inay kula tacaalayso sicir bararka ayaa la eegi doonaa inay noqdaan qaar daawo noqda iyo inay noqdaan hadaladii hore oo kale.