Xukuumadda Oo Boqorka Sucuudiga Ku Bogaadisay Xalinta Khilaafka Gobalka

49
3770

Hargeysa (Geeska)-Xukuumadda Somaliland ayaa xaqiijisay in Madaxweyne Biixi uu martiqaad rasmi ah u diray khubaro iyo diblomaasiyiin shisheeye oo wakhtiyadii ay Marxuum Cigaal iyo Madaxweyen Rayaale talada hayeen u doodi jiray Somaliland.

Wargeyska Geeska Afrika ayaa cadadkiisii Axadii wuxuu daabacay xogo uu helay oo sheegaya in Madaxweyne Biixi martiqaad u diray shakhsiyaad kala duwan kuwaas oo uu Hargeysa ku casuumay bisha Oktoobar. Haddaba, wargeyska Geeska Afrika waxa xalay warkan u xaqiijiyay wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, waxaanu yidhi  “Way jiraan in dad khubaro ah oo inala shaqan jiray, imikana inala shaqeeya inuu Madaxweynaheenu marti qaaday,  kuwaas oo aynu is weydaarsanayso talooyin, tusaalooyin iyo waayo-aragnimo”

Geesta kale, wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire wuxuu bogaadin u diray boqorka Sucuudiga oo uu ku hambalyeeyay heshiiska uu dhex dhigay Itoobiya iyo Ereteriya, waxaanu yidhi  “Waxaynu tahniyad u diraynaa Boqorka Sucuudiga, oo waxaynu ku tahniyadeeynaynaa sidii uu ugu guulaystay inuu nabad ka dhex dhaliyo labada dal ee walaalaha ah ee Geeska Afrika, ka mid ka ah, Itoobiya iyo Eratariya, oo muddo labaatan sanno ah col ahaa,khilaafna ka dhexeeyey,  waxaan boqorka ku hambaleyeynaynaa arinkaas qiimaha iyo qaayaha leh ee uu isku xil saaray, kuna guulaystay, inaguna  Somaliland ahaan mar walba weynu soo dhaweeynana in la dhammeeyo khilaaf kasta oo ka dhex taagan Wadamada Geeska Afrika, in lagu dhammeeyo wada hadal”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here