Xukuumadda Oo Bilowday Ololayaal Lagu Taageerayo Xeerka Goluhu Isku Duubay

2
573

Hargeysa(Geeska)-Shirar doceedyo ay xubno wasiiro ahi dabada ka riixayeen oo la doonayay in taageero loogu helo xeerka horumaritna waddooyinka, ayaa shalay ku qabsoomay Hargeysa.

Shirarkaas oo ahaa laba kala duwan, waxa dabada ka riixayay xubno wasiiro ah, waxaana kulamo lala yeeshay xildhibaano ka tirsan wakiilada oo lagu qaabilay qaab beeleed. Mid ka mid ah shirarkaas ayaa burburay oo lagu kala kacay, ka dib markii ay laba wasiir u bandhigeen xildhibaanada beeshooda inay taageeraan xeerkaas. Xildhibaanada ka tirsan wakiilada ee shirkaas fadhiyay ayaa si adag uga horyimid soo jeedintaas ay wasiiradu wateen, waxaanu kulankaasi noqday mid aanay wax midho ahi ka soo bixin. Laakiin kulan labaad ayaa waxa qabtay xubno xildhibaano ah oo ka tirsan wakiilada, waxaanay la kulmeen qandaraaslayaal hore loo siiyay qandaraasyo dawladeed iyo dad ganacsato ah, waxaanay ka codsadeen in loo baahanyahay dhaqaale lagu waajaho xeerkaas horumarinta wadooyinka oo golaha wakiilada kala kulmay caqabad. Kulankaas ayaa la iskula qaatay in xeerkaas la taageero.

Si kastaba ha ahaate, xukuumadda ayaa u muuqata inay dabada ka riixayso qorsheyaal ay ku doonayso inay xildhibaanada golaha taageero kaga hesho sidii xeerkan loo meel marin lahaa.

Xeerka horumarinta waddooyinka oo cashuuro dheeraad ah saaraya xoolaha nool ee dibada u dhoofaya iyo baabuurta ay dadka shacabka ahi wataan, ayaa waxa si weyn uga horyimid bulshada iyo aqoonyahanada dalka oo u arka in xeerkani halis ku keeni doono dhaqaalaha dalka iyo weliba nolosha dadka xoolo dhaqatada ah.

Comments are closed.