Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo Oo Weli Ku Mashquulsan Heshiisyo Berbera Ku Saabsan Iyo Kii U Dambeeyay Oo Ah Soonka Ganacsiga Xorta Ah

1
1033

Berbera (Geeska)- Shirkadda DP World ayaa xukuumadda Somaliland la saxeexatay heshiis dhigaya in ay dhul ganacsiga xorta ah u gaar ah (Free Zone) ka samayso dekedda Berbera.

War lagu daabacay shabakadda wararka ee Gulf News ayaa oo laga leeyahay Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa lagu sheegay in Soonka Ganacsiga Xorta ah ee Berbera (Free Zone) uu noqon doono mid loo ekeysiiyey ka ku yaalla dekedda Jabal Cali ee Imaaraadka.

Heshiiskan waxaa Isniintii shalay saxeexay guddoomiyaha shirkadda DP World Mudane Axmed Bin Sulaymaan oo isla markaana ah agaasimaha guud ee fulinta iyo wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland Mudane Dr. Sacad Cali Shire.

Warkan uu Geeska Afrika turjumay waxaa lagu sheegay Soonka Ganacsiga xorta ah oo ka dhismi doona dhul dhan 12.2 Kiiloomitir, ay shirkadda DP World dhismihiisa u qaybin doonto dhawr weji, oo midka hore yahay in la dhiso dhul dhan 4 Kiiloomitir oo iskuwareeg ah, weji kastana la bilaabi  doono marka la arko in Soonka ka horreeyey boqolkiiba 85 la isticmaalay.

Bishii Sagaalaad ee 2016 kii ayaa ay shirkadda DP World ku dhawaaqday in ay dekedda Berbera ee Somaliland ku maalgashan doonto lacag dhan 442 Milyan oo doolarka Maraykanka ah, ka dib markii ay shirkaddu ku guulaysatay heshiis la wareegis-shaqo ah oo u ogolaanaya in ay dekedda Berbera ka shaqaysiiso muddo 30 sano ah. Waqtigaas ayaanay shirkadda DP World sii sheegtay in uu jiro dhul loogu talagalay in uu noqdo Soon ka ganacsiga xorta ah.

Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ayaa u muuqata iyadoo ay maalmo ka hadheen doorashadii inay weli ku mashquulsantahay heshiisyo cusub oo ay la sii galayso shirkadda DP world kuwaas oo ku saabsan Berbera. Dhulkan Free zone ee xukuumadu heshiiska kula gashay DP world ayay shacabka reer Berbera ku tilmaamaan dhul ay dad shacab ahi leeyihiin oo ay sharciyo u haystaan, kuwaas oo muddo dheer cashuurta bixinayay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here