“Xukuumadda Madaxweyne Biixi Waxa Aan Uga Digayaa In Ay Warbaahinta Madaxabannaan Cabudhiso”

30
3271

Xil. Xuseen oo sida oo kale ka hadlay tirinta shaqaalaha

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Xuseen Maxamed Cige oo ka tirsan xildhibaanada golaha wakiilada, ayaa ka hadlay qorshaha xukuumadda ee ah madax taabashada iyo diiwaangelinta shaqaalaha dawladda.

Xildhibaan Xuseen Maxamed Cige oo u waramay wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay qorshaha Xukuumadda ee ah in Masuuliyiinta dawladdu aanay u warami karin warbaahinta gaarka ah ee ay u warami karaan oo qudha Warbaahinta dawladda waxaanu ugu horeyn yidhi “Barnaamijkan Xukuumadda ee ku saabsan saxaafaddu, waxaan u arkaa inuu yahay barnaamij lagu cabudhiyo Saxaafadda iyo warbaahinta madax banaan, waayo taasi waxay muujinaysa in waxaan xukuumadda soo marin ama aanay raali ka ahayn la qori karin, markaas arinta iyada ahi waa astaantii kalagii taliska, xukuumaddan uu imika madaxweynaha ka yahay Muuse Biixi, waxaan uga digay in aanay cabudhin Saxaafadda iyo Warbaahinta madax banaan, sababtoo ah mar haddii warbaahinta madax banaan hadal iyo cabudhin lagu bilaabay, waa astaan muujinaysa in aan Warbaahinta loo ogolayn inay wararka xaqiiqada ah baahiyaan”.

Xildhibaan Xuseen Maxamed Cige mar uu ka hadlaayey Qorshaha Xukuumadda ee ah tirikoobka Shaqaalaha ayaa yidhi “Haddii aan wax kale looga jeedin, oo Madax tabaashada Shaqaaluhu aanu wax kale ka dhex muuqan, waxaan u arkaa qorshe wanaagsan oo cilmeeyeysan, waayo waxa la leeyahay in dadka shaqeeya ee mushaharka qaata, iyo dadka aan shaqeeyan ee mushaharka qaata, waxa badan dadka aan shaqayn ee musharka qaata, waxa  jira dad qurbaha jooga oo mushaharka qaata, waxa xaqiiqo ah in caglayaal badan oo musharka lagu qaata jiraan, ee Hay’adda Shaqaaluhu daacad ha ka noqoto baadhista iyo sugida shaqaalaha dawladda,  qorshahan Madax taabashada ahna waan soo dhaweeynayaa”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here